Home Afsomali Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Hiiraan oo xilkii laga...

Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Hiiraan oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo Siyaasadda ee maamulka gobolka Hiiraan, ayaa xilkii laga qaaday, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay xilkii laga xayuubiyay Cali Diiriye Isaaq oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Meeris Isaaq.

Ilaa iyo hadda lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday Guddoomiye Ku xigeenkii siyaasadda iyo amniga ee Gobolka Hiiraan.

Haddab hoose ka akhriso Wareegtada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.