Home Afsomali Full VIDEO 700 qoys oo Jowhar tuulooyinkeeda ka barakacay oo gargaar dalbaday

Full VIDEO 700 qoys oo Jowhar tuulooyinkeeda ka barakacay oo gargaar dalbaday

https://youtu.be/TZz7jBxj1xs

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay tuulooyin fara badan oo hoos taga magaalada Jowhar iyo qeybaha kale ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii uu ku fatahay webiga Shabelle.

 

Wararka ayaa sheegaya in fatahaada webiga ka sokow ay ka jiraan degaano ka tirsan gobolka roobab maalmahanba da’ayey oo xaalada uga sii daray markii ay ka dhasheen daadad xoog badan.

 

Qaar ka mid ah dalagyadii beeraha ee sanadkan ay sugayeen beeraleyda tuulooyinkan ayaa la sheegay inuu khasaare xoog leh soo gaaray ka dib markii ay biyuhu qaadeen, waxaana ka mid ah tuulooyinka laga barakacay ee ay fatahaadu saameysay:-

 

Buulo Axmed Cigow

Buur kaama bareeyo

Jilyaale

iga dadab

Muriyaale

Lamawaab

Buulo Bishaar

Gaafaay

Timire

Magadley

Raqayle

Dayma Same

Raqayloow Buurdheere

Xaanshooley

Geedo Barkaan

Buur Fuule

Jowhar Soomaali.

Xasan Cabdi Cubeyd oo ka tirsan Aqoonyanada  gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dhibaatada ka dhacday gobolka nay ka baaxad weyn tahay sida loo malaynayo, ayna jiraan dad ku go’doonsan tuulooyinka qaar oo biyuhu ay xireen kuwaasoo isugu jira waayeel iyo dad kale oo xanuunsanaya.

 

“Dadka ka barakacay tuulooyinkan oo boqolaal qoys gaaraya waxay u kala yaaceen jihooyin kala duwan sida hareeraha magaalada Jowhar iyo meelo kale iyagoo raadsanaya dhul taag ah oo aanay biyaha  soo gaareynin, mana heystaan cunto, biyo nadiif iyo hoy ay ja galaan qoraxda iyo qabowga habeenkii, waxaan ugu baaqeynaa DF, Jaaliyadaha, ganacsatada iyo qeybaha bulshada iney u istaagaan caawinta dadkan” ayuu yiri Xasan Cabdi Cubeyd.

 

Waxaa uu sheegay waxgaradka degaanadan iyo culumaaudiinka Soomaaliyeed qaarkood ay magacaabeen guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo gurmadka loo sameynayo qoysaskan, wuxuuna xusay in maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Sh/dhexe aysan illaa hadda waxba u qaban dadkan dhibaateysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.