Home Afsomali Hormuud Foundation oo Dayactir ku sameyneysa Isbitaal Banaadir

Hormuud Foundation oo Dayactir ku sameyneysa Isbitaal Banaadir

Dayactirka Isbitalka Banaadir ayaa waxaa iska kaashanaya Hormuud Foundation iyo shirkada dhismaha Buruuj, waxaana mashruucan maalgelinaysa Hormuud Telecom.

Mashruucan ayaa dabooli doona baahida loo qabo in la helo isbitaal labaad oo lagula tacaalo dadka uu soo rito cudurka Corona Virus.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Drs Fartuun Shariif Maxamed oo ugu horeyn ka hadashay goobta lagu soo bandhigayay mashruuca ayaa sheegtay in qeybta dayactirka lagu wado ee loogu tala galay in la dhigo bukaanada la ildaran coronaviruse in uusan saameyn ku yeelan doonin qeybaha kale ee hoyada iyo dhalaanka.

Madaxa injineerada shirkadda dhismaha Buruuj Eng Cumar Maxamed Maxamuud (Aftooje) ayaa sheegay in mudo kooban ay kusoo gabagabeyn doonaan dayactirka isbitaalka Banaadir qeybta loogu tala galay Bukaanada qaba COVID-19, islamarkaana ay u qalabeyn doonaan qaab casri ah.

Madaxa Hormuud Foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay kaalinta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ka qaadanayso dib u dhiska dalka iyo latacaalida cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in shirkada Hormuud ay lacago fara badan kubixinayso latacaalida cudurka Covid-19 iyo wax ka qabashadda saameynta bulshada uu ku leeyahay.

Xubno katirsan Ururada bulshada, Baweenka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Baarlamaanka Soomaayalia oo iyana goobta kahadlay ayaa ku amaanay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kaalinta ay kaga jirto bulshada iyo sida mar waliba madaxdeeda ay ugu heelan yihiin ka qeybqaadashada gurmadka dadka Somaaliyeed.

Kororka ku yimid dadka uusoo ridanayo cudurka COVID-19 ayaa keentay in ay timaado baahi loo qabo isbitaal dabooli kara bukaanada cudurka uu soo rito waxaana shirkada Isgaarsiinta Hormuud ay dhabarka uridatay bixinta qarashaadka ku baxaya dhisida iyo dayactirka goobaha caafimaadka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.