Home Afsomali Full VIDEO Madaxweynah Hirshabelle Dr Waare oo warbixinta fatahaada siiyey RW kheyre...

Full VIDEO Madaxweynah Hirshabelle Dr Waare oo warbixinta fatahaada siiyey RW kheyre wadamada Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka

https://youtu.be/L4cniqzvCko

Khudbadda Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka jeediyay shirkii looga hadlay wax ka qabashada Fatadaahada Magaalada Beledweyne

-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda,  Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaaleyna dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.

Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.