Home Afsomali Dibadbaxayaal ka xun dil wadareydka gololey oo Madax Maro gaduudan ku xirtay...

Dibadbaxayaal ka xun dil wadareydka gololey oo Madax Maro gaduudan ku xirtay ayaa socod ku maray wadooyinka dagmadaas ( DAAWO SAWIRADA )

Shacabka ku nool degmada Balcad ayaa waxaa ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedeen 8 dhalinyarada ahaa ee shalay Galab meydkooda la soo dhigay tuulada Gololeey,kuwaas oo ahaa Shaqaale Xarun MCH oo ku taalla degaankaas.

Qaar kamid ah Shacabka ayaa ,iyaga oo Madaxa ku xirtay Marooyin Gaduudan waxaa ay socod kusoo mareen wadooyinka degmada Balcad,iyaga oo sheegayay inay aad uga xun yihiin dilkiisii loo geystay dhalinyarada Reer Balcad ee Bulshadooda u adeegayay.

Qaarkood banaanbaxaayasha ooka  hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba aysan u dulqaadan karin in si bareer ah loo dilo saaxibadood oo ahaa dhalinyaro duruufo kala duwan wax kusoo bartay,waxaana Madaxda Dowladda Federaalka ka codsadeen in tallaabo laga qaado dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dad isugu jira siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen dil wadareedka loo geystay dhalinyarada ka howlgalayay Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.