Home Afsomali faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxeyso dad shacab ah oo lagu...

faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxeyso dad shacab ah oo lagu laayey dagmada Wanle weyn

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaarx Miino oo qabsaday gaari ay la socdeen dad Shacab ahaa xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho,kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga qaraxa qabsaday oo ahaa nooca Soomaalida ay u taqaano hoomey ayaa la sheegay in uu ka baxay Magaalada Muqdisho,isla markaana uu kusii jeeday degmada Walanweyn ee G/Shabeellaha Hoose.

Mid kamid ah dadkii saarnaa Gaariga oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray ayaa sheegay in 2 Ruux ay geeriyoodey oo  ehelkiisa kamid ahaayeen tiro kalena ay dhaawacmeen,kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu daweynayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha deegaanka lafoole ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in gaariga uu ka ambabaay Ex-kontorool Afgooye kuna wajahnaa degmada Walanweyn ayna saarnaayeen 22 Ruux oo lix kamid ah ay geeriyooden halka 14 kale ay dhaawacmeen.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay 13 Ruux oo 7 kamid ah ay dhaawac ahaayeen iyo dhimashada lix Ruux,kuwaas oo kamid ahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay deegaanka lafoole.

Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin qaraxaasi ay ku waxyeeloobeen dadka rayid ah oo saarnaa Gaari Hoomey ah oo kusii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.