Home Afsomali Dowlada FD oo waxba kama jiraa ka dhigi rabto Heshiisyadii hore ay...

Dowlada FD oo waxba kama jiraa ka dhigi rabto Heshiisyadii hore ay u saxiixeen madaxdii ka horeysay

Shir ay isugu yimaadeen madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo uu shir-guddoominaayey Wasiirka Wasaaraddaasi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, sidoo kale ay ku sugnaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda, La-taliyeyaasha iyo Agaasime Waaxeedyada, ayaa loogga dooday dib-u-eegis ay muddooyinkii dambe Wasaaraddu ku waday sharciga Maal-gashiga Shisheeye ee Soomaaliya.

Sharcigan oo hore loo ansaxiyey 2016kii, ayaa sababta dib-u-eegista looggu sameynayaa ay tahay qodobo ka mid ah sharcigaasi oo wakhtigan aan munaasib ku ahayn dhiiri-gelinta Maal-gashiga Soomaaliya sidoo kale na aan la jaan-qaadeyn shuruucda Maal-gashi ee caalamiga ah.

Guddidii hawshan loo xil-saaray oo iskugu jirtay khubaro sharci iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa halkaas ka caddeeyey in wakhtigan uu heer-gebo gabo ah maraayo dib-u-eegista sharcigan, waxaana ay carabka ku dhufteen in Wasaaraddu ay xoogga saarayso siddii sharciga Maal-gashiga shisheeye uu u noqon lahaa mid soo jiita Maal-gashadeyaasha caalamiga ah, sidoo kale na ka qeyb-qaata horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Dib-u-eegista lagu wado sharcigan, ayaa waxa sidoo kale ka soo bixi doona qodobo dhisi doona hay’adda qaran ee horumarinta Maal-gashiga, kuwaasi oo qeexi doona shaqada hay’adda iyo awoodaheeda qaran. Iyada oo ka shaqeyn doonta guud ahaan dhiiri-gelinta hawlaha maal-gashi ee wadanka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu sharcigani u lee yahay qaranka, waxaana uu xeel-dheerayaasha sharci iyo madaxda kale ba uu ka codsaday inay maalmaha soo socda la dhammeystiro dib-u-eegista sharciga Maal-gashiga Shisheeye ee Soomaaliya si baa uu yidhi Maal-gashadeyaasha caalamka looggu fududeeyo maal-gashiga ay ka sameynayaan wadanka loona horumariyo ganacsiga iyo guud ahaan ba dhaqaalaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.