Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey dalka...

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey dalka Jabuuti ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Garoonk Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Somaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.