Home Afsomali DANLEYDA KU SHIREYSA JABUUTI KAMA TARJUMAYAAN DANAHA SOOMAALIYEED

DANLEYDA KU SHIREYSA JABUUTI KAMA TARJUMAYAAN DANAHA SOOMAALIYEED

Waxaa muran ma doonto ah, in goboladda Waqooyi bari ay ku hungoobeen halgamadii kala duwanaa ee ay u soo galeen gobanimadoonkii Soomaliyeed, Ilaa iyo haddana u taagan yihiin inay dhidibadda u taagaan Qaranimada gobanimada Soomaaliyeed waxay Soomaalida tiraahdaa “XAGALO GEEL WAX GUNTI LA GELIYO KA WEYN” sidaa darteed wax la qarin karo ama la xaqiri karo ka weyn halgankii ay Naf iyo Maalba u hureen dadka Waqooyi Bari si dadka soomaaliyeed ugu noolaadaan sharaf iyo heybad waarta. Ilaa ay Soomaaliya ka hesho xornimo.
Daraawiishtii iyo gaadh Haye waxay halgankaas ku waayeen malaayiin dad iyo duunyaba leh. Waxaa lagu Xasuuqay ummaddaas oo dhan magaca soomaaliyeed oo British iyo xulufaddiisii u adeegsadeen duqeyn Cirka,badd iyo dhulba ah oo laga dhigay dukun daakin Dulmi gaasna cid dan ka leh ilaa iyo hadda ma jirto oo u raadisa xaqooqddii.

Dhamaan waxaa dumay magaalooyinkii iyo miyigiiba wax dhaaqaaqa noolal lagama tegin oo aan ka ahayn dhaawac aan daawo lahayn ilaa maantana laysma waydiin. Xitaa waxii lala dhacay oo aheyd sunta nukleerka kaas oo xitaa dhowaan dadku waxey u dhimanayeen haraadigii Sunta, dhibka dadkaasi la gaarsiiyay waxay ka baxsan tahay biniaadanimada.

Waxaa taa ka xumeyd Ceelashii uu ka sumeeyey iyo xoolihii uu ka laayey, Sidaas oo ay tahayna kama aysan harin halgankii dheeraa ee ay ku soo jabeen waa ay sii wadeen ilaa Soomaaliya xornimo taam ah ka heshay June 26,1960 maalintaas Geesiyaashii waxay ku qasbeen daba dhilifkii ingiriiska la shaqaynayey oo aan marna soomaali midnimadeeda rabin inay soo raacaan Midnimadda.

Laakiin Nasiib darro waxay noqotay qaybtii koonfureed inay ka abaal dhacdo dadkii keenay midnimadda oo abaal mariyaan khaa’imiintii iyo jaajuusiintii waxayna niyad jabiyeen dadkii xalaasha ahaa ee keenay xornimada, Kuwaas oo soo maray xasuuq dhac, kufsi iyo hagardaamooyin aan la soo koobi karin.

Waxaa hubaal ah in dabadhiliyadii labada dhincaba koonfur iyo Waqooyi ay ka helayeen garab iyo gaashanba gumaystayaashii ilaa iyo haddana ay dabo taagan yihiin muwaadiinta Soomaliyeed inaanay soo bixin waayo in lala xisaabtamo bay diidan yihiin Gumaystayaashii oo magdhow loo weydiiyo dadkii soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeen.

Mar kale iyo midnimo ayey isu taageen Goboladda Waqooyi Bari markii la kala cararay ee dawladdii soomaaliyeed ay duntay 1991 dhibaato hor leh baa soo waajahday, halkaas oo ay ku waayeen dad iyo maal fara badan hase ahaatee kama quusan raadinta Gobanimo. Soomaaliyeed In ku dhow 30 sano bay u taagan yihiin inaan Soomaaliya la kala qeybin wax kasta oo ay ku qaadataba waxaa marin habaabinaya midnimadda iyo cadaaladda dalka soomaaliya oo aan daacadna ka ahayn qadiyada Reer Waqooyi in loo xaq qaybiyo dadka.
Waxaa daliil cad u ah Reer koonfureed waxa ay hadda samaynayaan waad aragtaan dadkii midnimadda waday waa laga kor booday waxay rabaan mar kasta kuwa khaa’iyimiinta ah ee dalka kala jaraya. Allah ha u naxariistee Farax Mohamed JAMA waxuu yiri “AQOON DARO WAA U NACAB JECEYL”.

Xaq daradii iyo lugooyadii koonfur ka shaqaysay weli dhibaatadeedii soomaaliya waa la dhutinaysaa waxaa la siin waayay mudnaantii ay lahayeen dadka degan Goboladda Waqooyi Bari oo ku dulman Qarankii ay u soo daadiyeen dhiigooda sidaasi oo ay tahayna dagaal bay weli ugu jiraan mudo ku dhow sodon sano weyna usii istaagi doonaan Ogowey qof xaqiisa daba socdo ma lumo.
Guntii iyo Gebagabadii shirka ee dalka Djabouti ka socda ma aha mid ka tarjumaya masiirka ummadda soomaaliyeed kooxaha halkaasi ku shiraya oo kala ah socda Koonfur iyo Waqooyi oo aan isu dheeli tirneyn khibrad ahaan lagumana aamini karo masiirka Ummadda Soomaaliyeed, waxaana nasiib darro ah in dowladii Soomaaliya mataleysay ayan dhameystirin dhamaan dadka reer Waqooyi waxeyna xambaarsatay koox yar oo dambiilayaal ah oo qarankii Soomaaliya Jariimad ka galay.
Dadka Soomaaliyeed dhamaantood ee Midnimada Jecel waxba Qalbigooda uma dhimi doonto labada Kooxood ee danleyda ah waa danley kooxda Jeegaan waa dhaqaalo raadis halka koxda koonfur ka baxdeyna ay magac Doorasho ku raadiyaan. Waase aragnaa meesha ay ku dambeyn doonto
WAXAA QOREY
HON. CAASHO AXMED CABDALLA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.