Home Afsomali Umad Dhan oo u Afduuban Xildhibaano Soo noqnoqda

Umad Dhan oo u Afduuban Xildhibaano Soo noqnoqda

Waxaa la sheegaa in soomaaliya ay leedahay dowlad dimuqraadi ah oo la soo doorto, haba lagu soo doorto nidaamka dorashada dadban (Indirect Election) iyo xildhibaano ay soo xuleen ergooyin ka mid ah dadka ay matalaan.

Hadii aad maqli jirtay in ay jiri jirtay dawlad kaligeed talis ah oo xukunka xoog ku maroorsatay ama aad arki jirtay qof inta la afduubtay oo xoriyada laga qaaday manta waxaa jira Bulsho iyo umad dhan oo u afduuban xildhibaankii matalilahaa.

Lama dooran oo cid dooratay ma jirto, rabitaan umadeedna kumuu iman, iyagoo hubaysan ayey dowladii cabdullahi yusuf qarameysay iyaga iyo kooxdii maxkamadaha oo uu ka tirsanaa, sadex jeer ayey boob iyo xoog ku qaateen kursiga xildhibaanimo.

Intii ay joogeen , waligoo dan umadeed kama shaqayn dadka ay matalaana waxa ay is arkaan xiliyada ololaha doorashada.

Wuxuu gabeen waajibkii matalaad iyo kii qaran labada.

Xildhibaanada noocan waxaa sidoo kale ku dhib qaba bulshooyin fara badan oo daga gobolada soomaaliya.

Waxa ay soo socotaba manta Maxaa keenay in kursigii ay ku fadhiyeen ay u badalaan deegaan doorashadiisa

Kismaayo ka badal gado gey Farsamada Noocaas ah yy dani ugu jirtaa.

Muqdisho ka qaad Galmudug gey hargeysa ma tagi karee Gaadiidka Bolice ka doorasho ugu qabo

Hadaba bulshada  iyo dadka kale ee qaba dhibtan oo kale waxaan ugu baaqayaa in aysan sugin inta guud ahaan uu systemka iska badalaayo ee ay ku cadaadiyaan iskana xoreeyaan xildhibaanada calooshooda u shaqaystayaasha ah ee masuuliyada umadeed ka macaasha.

Xildhibaanada qaar waxa ay kursiga ku fadhiyaan mudo ka badan 20 sano taas oo ka dhigan in ay is lahaysiiyeen xilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.