Wararka laga helayo degaanka Xananbuure ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal Culus oo u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in saacadihii la soo dhaafay ay jirtay xiisad dagaal oo u dhaxeysay labada maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo ku wada sugan Gudaha Degaanka.
Dhinacyada dagaalamaya oo mudaba is hor fadhiyay ayaa isku haya baraago laga qoday dhul miyi ah oo deegaankan hoostaga taasi oo xalkeeda dhowr jeer lagu guul dareestay .
Ciidamo ku tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa ku sugan Gudaha degaanka lagu dagaalamay, kuwaas oo tegay Shalay gelinkii dambe,Waxman jira khasaaro ka dhashay dagaalka haatan ka socda degaanka Xananbuure.
Wararka kusoo kordha kala socda www.somalisan.com