Akhriso kulan guud oo ay isugu yimaadeen dhammaan shaqaala-hoosaadka ka shaqeeya xafiisyada kala ah:-
1. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee qaranka.
2.Maxkamadda Sare Ee Dalka.
3.Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.
4.Maxkamadda Gobolka Banaadir.
5.Maxkamadaha Degmooyinka G/Banaadir.
Waxay warsaxaafadeed kasoo saareen kulankooda maanta iyagoo Codsi u jeediyay Madaxda ugu sareysa Ee dalka.
Ku: Madaxweynaha J.F.S
Ku: Ra’isulwasaaraha X.F.S
ku: Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Ee Dowladda.
Ku:Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka X.F.S.
Ku: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Annagoo ah dhammaan midowga hawl-wadeenada guud Ee Garsoorka Dalka,Waxaan cabasho ka nahay madaxda kala ah:
1.Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
2.Xeer Ilaaliyaha Guud Ee qaranka
3.Garsoore Saalax Sh.Ibraahim dhiblaawe oo ah Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare.
Mudaneyaal waxaa jirta qorshe uu fikrikeeda leeyahay ninka Lagu magacaabo Garsoore Saalax Sh.Ibraahim Dhiblaawe oo ah Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare Ee dalka,waxaa jirta in dhamaan hawl-wadeenada guud Ee Garsoorka dalka ka shaqeeya lagu soo wargaliyay imtixaan maalinta sabtida ah taariikhduna tahay 4/7/2020 Laguna macneeyay in dad cusub lagu shaqaaleynayo dad hada shaqeeyana lagu eryayo,taasoo kahor imaaneysa Xeerka Shaqaalaha Rayidka iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka dalka,isla markaana uu imtixaaanka shaaciyay Garsoore Saalax iyadoo aan jirin wax amar qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, isla markaana sheegay ineysan jirin wax shaqo ah maalinta sabtida ah ee nagu soo foodleh Waxaan la xiriirnay Guddomiyaha Maxkamadda Sare balse wuu ka gaabsaday arriinkaas waxaana inoo cadaatay inuu hoos ka riixayo.
Haddaba Waxaan ka socodsiineynaa Madaxda ugu sareysa dalka in dulmi iyo cadaaladdaro baahsan ay ka dhex jirto Garsoorka,Lana doonayo dad cusub oo shaqaale hoosaad ah,dad gaar ahna ay wataan,mushaarna loo waayay in xaqeena lasiiyo anagana banaanka nala dhigo iyadoo naloogu soo marmarsiyoonayo imtixaan been ah oo aan sharci ahayn,maadamaa dowladda ay horay u shaacisay in shaqaale cusub aan la qaadan karin.
Gabogabo
Haddaba waxaan madaxda qaranka ka codsaneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo farageliyaan xadgudubka sharci uu ku kacayo Garsoore Saalax oo aan ahayn shaqsi ku shaqo leh Arrimaha Maamulka Garsoorka,maadaama Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee dalka uu wax ka qaban waaye cabashadeena.
Sidoo kale dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka dalka waxay ku balameen banaanbax nabadeed oo ku difaacanayaan xuquuqdooda shaqaalenimo,wuxuuna ka dhacayaa maalinta sabtida ah ee nagu soo aadan daljirka daahsoon 8:00am subaxnimo.