Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dil uu mid ka mid ah ilaaladiisa u geystey Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka.
Wasiirka Caddaalada ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa Agaasimihii Waaxda IT-da ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.
Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in askariga ka tirsan ilaaladiisa uu ku xiran yahay Xarunta Baarista Ciidanka Booliska, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.
Ugu dambeyn Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Wasiirka ugu baaqay inay ka digtoonadan inay hubka ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba-galabsan, xili Ciidanka ay si bareer ah shacabka ugu dilaan Magaalada Muqdisho xiliyada qaarkood.