Home Afsomali Xarunta Badqabka Gaadiidka oo laga daahfurey Berbera

Xarunta Badqabka Gaadiidka oo laga daahfurey Berbera

Agaasimaha Giuud ee waaxda gaadiidka iyo Horumarint jidadka Somaliland Cuamr Sayid cabdilaahi ayaa xariiga ka jaray xarunta Badqabka gaadiidka Gobolka saaxil gaar ahaan dagmada Berbera

Munaasibad balaaran oo ka dhacday xarunta la daahfurey ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin maamulka Gobolka iyo dagmada dagmada berbera masuuliyiinta kstamka berbera masuuliyiin ka socotay hey.adda xaquuqul insaanka somaliland iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay wasaarada gaadiidka iyo Horumarinta wadooyinka Somaliland

 

ugu horeyn waxaa faahfaahin ka bixiyey Xarunta Laga daahfurayey berbera Cabdirashiid Xaaji Maxamed Yuusuf oo madax ka ah Shirka ku guuleysatay in ay iyadu maamusho goobta Xariga laga jarayey isaga oo sheegay muhiimada ay gaadiidka u leedahay iyo isku xirka wadooyinka somaliland

sidoo kale munasibada waxaa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Rooda Axmed jaasiin maamulaha Kastamba Berber agaasimayaal ka socday wasaaradaha kala duwan ee Somaliland iyo weliba kuwo kale oo ka socday shirkadaha gaadiidka somaliland

masuuliyiinta munaasibada ka hadashay ayaa dhamaan isku raacay in goobtaan muhiimad gaara u leedahay guud ahaangayiga Somaliland loona baahan yahay in Gobol kasta laga horgaliyo

Ku xigeenka Gudoomiayaha gobolka iyo ku xih=geenka maayarka berber oo iyaguna halkaa ka hadlay waxaa soo wada dhaweeyey xaunta Cusub ee Xariga laga jarey waxayna shacabka ugu baaqeyn in ay gaadiidkooda baaraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.