Home Afsomali Mareykanka oo Amar Culus duldhigay qunsuliyadda Shiinaha ee Houston

Mareykanka oo Amar Culus duldhigay qunsuliyadda Shiinaha ee Houston

Dowladda Mareykanka ayaa amartay in Shiinaha uu xiro qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Houston, sida ay maanta sheegtay Beijing, taasi oo muujineysa inay kasii dartay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal.

Tallaabadan ayaa timid ayada oo labada quwadood ee adduunka ay dhowaanahan ay u dhaxeeyeen khilaafyo kasoo billowda loolanka ganacsi, faafitaanka cudurka Coronavirus illaa muranka Badda Koonfurta Shiinaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in qunsuliyadda Shiinaha la xiray si loo ilaaliyo hantida aqooneed iyo xogta gaarka ah Mareykanka.

“Waxaan amarnay in la xiro qunsuliyadda guud ee Shiinaha ee Houston si loo ilaaliyo hantida aqooneed iyo xogta gaarka ah ee Mareykanka,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibedda Mareykanka Morgan Ortagus oo weriyayaasha la hadashay intii lagu guda jiray safar uu xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ku joogo magaalada Copenhagen.

Ortagus ayaa sheegtay in Axdiga Vienna uu dhigayo in dalalka “ay waajib ku tahay inaysan faro-gelin arrimaha gudaha” ee dalalka ay xarumaha diblomaasiyadeed ku leeyihiin.

Waxay intaas ku dartay in Mareykanka uusan ugu dul-qaadan doonin Shiinaha “xagudubka ay ku sameynayaan madax-banaanida Mareykanka iyo cabsi gelinta shacabka Mareykanka, si la mid ah sida aan loogu dul-qaadaneyn ficillda ganacsi ee aan daacadda aheyn.”

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Wenbin ayaa sheegay in Shiinaha “uu ku boorinayo Mareykanka inuu deg deg uga laabto go’aankan qaldan,” wuxuuna intaas ku daray in Beijing ay bixin doonto jawaabta arrintan ku habboon.

“Waaa daan-daansi siyaasadeed oo si gaar ah uga yimid dhanka Mareykanka, taasi oo xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah iyo heshiiska qunsuliyadeed ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.