Home Afsomali Ganacsade Xaaraan ku naax ah No jixin jix walaa aqoon iyo sokeeyo...

Ganacsade Xaaraan ku naax ah No jixin jix walaa aqoon iyo sokeeyo nimo

Ganacsade Xaaraan ku naax ah No jixin jix walaa aqoon iyo sokeeyo nimo

Xalaashu waa cadahay xaraantuna waxaa ka mid ah  wax kasta oo naftaadu diido in laguugu ogaado xishood ama cabsi sida tuuganimada sinada iyo WLM .

Waxaa jira waxyaabo kale oo aad ugu shakin karto waxa ay yihiin iyane waxaa la yiri iska daa wax kasta oo aad ka shakido waxa ay yihiin ilaa aad ka gaarto wax aan shakiba kaaga jirin .

Hadii aan u soo noqdo dulucda maqaalka ganacsigii Gobolka aan dunida ka dagan nahay ayaa u sii muuqdo in uu yahay mid aan ku tiirsaneyn ku dhaqanka diinta islaamka .

Dalka soomaaaliya waxaa ka jira ganacsi wajiyo badan sida kuwa dhawaan soo baxa ah tahriibinta nooole iyo ma noole wixii dalku lahaa dibada u iibgeynaya kuw iibsanaya coddodka doorasahda oo leh dilaaliintooda kuwa iibinaya qeybo ka mid ah ciida iyo bada guryaha geedaha warshadaha oo aan dhihi karno masharuuca xaalufinta dalka

waxaana jira shirkado waa wweyn boobaya hantida qaranka ganacsato iibsaneysa.

Ganacsato yar yar oo jecel in ay iibsadaan wax kasta oo la soo dhaco ama aan laheyn sumad lagu tixraaco .

waxaana ku garan karnaa ganacsatada iibsaneysa dhulka danta guud iyo guryaha sida gaarka ah loo leeyahay kuwa dalka soo galiya raashinka iyo alaawooyinka dhacay ama aan laheyn tayo waqtigii dhicitaankuna uu so dhaow yahay .

hadii aan u soo Noqono ganacsiga yar yar waxaa ka buuxa ganacsato aan u meel dayeyn Ganacsigooda kuwaas oo iibsanay wax kasta oo la soo dhaco kuna ridanaya jawaan ay ku qariyaan marka ay iibsanayaana qofka sita alaabada weyndiinaya in sheygu yahay in jawaanka la galinayo iyo mid dibada la soo dhigi karo aan la isku qabsaneynin .

ganacsato jecel in ay iibsadaan dhulka aan laheyn ducement kuna iibsanaya wakiil sheeganayo in uu lumay ducumentgii dhulka .

hadii aad tagto adoo wax laga xaday ayna ku arkaan tuugtu waxay ku leeyihiin waxaa yimid adeerkii alaabta lahaa ileyn qof ka ku xaday wuu ku ogyahay balse adigu ma ogid cidii ku xaday .

is wareysi ka dibna waxaa u soo baxayo oo ay aqoonsadeen ayna heleen raadka milkilaha alaabada halkii horay loo oron jiray tuugada raad Malaga hayaa hada waa cidii laheyd mala garanayaa   raad Malaga hayaa.

Ganacsarada alaabada tuugada ah iibsata marka aad u sheegto wixii lagaa xaday iyaga oo ka faaiidaysanaya sheekadaada ayey raadiyaan weyna iibsadaan intii ay adiga reporka siiyey ay kuu qaban lahaayeen ama ugu yaraan raadka ku sheegi lahaayeen ka dibna si dadban ayey adiga dib kaaga iibsadaan No jixin jix walaa aqoon iyo sokeeyo nimo

Waxaana leeyahay isma hurtooy ha is haleyn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.