Home Afsomali Dowlada oo dib u fureysa dhamaan adeegyadii loo hakiyey corona virus

Dowlada oo dib u fureysa dhamaan adeegyadii loo hakiyey corona virus

 

Muqdisho; Khamiis, July 30, 2020—Golaha wasiirrada JFS ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona.

Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020.

Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID19 oo hoos u dhacay, waxaana goloshu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan wareegga labaad ee COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.