Xilka iyo madaxtinimadana waa la wada leeyahay, waana meerto, cid gaar ah oo mudana ma jirto, ee cid kasta ee karti u leh hawlkarna ah ayaa mudan!
Badnaan kaliya laguma helo, yaraan kaliyana laguma waayo!
Sida tiradu wax u tarto oo kale, ayaa tayaduna wax u tartaa!
HirShabeele cidna kuma qasbana, cidna kama maaranto!
Waa tartan furan iyo tartamayaal u siman.
Intaas cidii aysan deeqin, oo dhibsaneysa Alaha soo hanuuniyo!
Gogol-dhigaas kadib:
Waxgaradka HirShabeelana waxaa la gudboon in ay jeexdaan wado ka duwan tii horay loogu dhumay ee ku dhisneed ka daneyso HirShabeele! “qawda maqashii waxna ha u qaban”!
Dad is mahadiyay ayaga oo aan waxba soo kordhin, wax ay daadiyeen mooyee, waa tala-xumada HirShabeele horay ugu hoobatay, loona baahanyahay in laga guuro oo loo guuro garsoor iyo sinaan ka dhexeysa bulshada HirShabeele kala qaad la’aan.
Dadka reer HirShabeele waa in ay ku baraarugeen khatarta jirta, diyaarna u naqdaan samata-bixinta degaankooda ka haray asaagiis.
Waxaa loo baahanyahay guda-joog iyo dibad-joog abaabulan oo weliba u midaysan badbaadinta dadkooda iyo degaankooda tabaaleysan!
Waa wax laga naxo, laga xumaado, laga yaxyaxo, oo weliba laga anfariiro, in $6000,000, oo fatahaadaha HirShabeele loogu tala galay, oo ay bixisay dawladda Talyaanigu, laga ceshaday HirShabeele, masuq-maasuq iyo maamul-xuma awgeed!
Miyaysan ceeb iyo foolxumo ahayn, in aan kadib aragnay ayada oo dadkii biyihii dhex yaaliin, loona tuugsanaayo dhaqaale lagu keenaayo shilin-shilin iyo yabooh!
Waxaa kaaga sii daran:
HirShabeele nabadeedii ay ugu yimaadeen, maamulka hadda sii dhacaya ayaa burburiyay, oo ceel dheer ku riday. Horumarna hadalkiisaba daa!
Xataa xafiisyo, madaxtooyo, gole baarlamaan, mid garsoor, midna looma dhisin.
Guryaha la deganyahay ayaa lagu kulmaa, waaba hadii la kulmee!
Waa maamulka kaliya ee mashaariicdiisii loogu tala galay ay iska qaataan maamulada kele, ama laga ceshado, kadib marka cid qaadata oo daneyneysa la waayo!
Waa goob la dayacay, oo weliba ogaal loo baabi’iyay!
Waxaasa kaaga sii daran, kana sii naxdin weyn, in ay weli dadkii sidaas u galay ay doonayaan in ay iska sii joogaan!!!
Waxa aan mar kale leeyahay: HirShabeele badbaadadeedu waa waajib diini ah, waa waajib wadani ah, waana waajib insaani ah!
HirShabeele, waxaa lagu badbaadi karaa, oo kaliya, midnimo iyo hawl-karnimo, ee aan dhammaanteen u soo wada jeesano, oo gacmaha is qabsano!
Gacmo wada-jir bay wax ku gooyaane, u guntada una midooba badbaadada HirShabeele!
HirShabeele: GUUL & GOBANIMO!