https://youtu.be/XIJGRWxeN0Q
Ehelada sarkaal ciidanka badda ka tirsanaa oo Muqdisho ay ku dileen ciidamada katirsan Dowlada somalia ayaa codsaday in cadaalada la horgeeyo cidii dilkiisa ka danbeysa wexeyna sheegeen in aanay aasi dooni
Ehelada oo ay ku jiraan aabaha hooyada walaalo iyo xaaski oo murugeysan ayaa cabasho xoogan ka muujiyey dilka wiilkoodii 2aad Marxuum labo xidigle Axmed Xusein Nuur
ayaa waxay shir jaraid ku qabatay ispitalka uu yaal meydka marxuumka oo ay sheegeen in sifo sharci daro ah ay u dileen ciidamada dowlada ee sida gaarka ah uu u tababaro mareykanku
waxayna ugu baaqeen madaxweynaha xukuumada iyo laamaha amniga taliyayaasha ciidamada xooga dalka in cadalada la marsiyo cida ka danbeysey dilka sarkaalka
ehelada oo faahfaahinaya qaabka dilku uu u dhacay iyo waxa ay ka damac san yihiin ayaa sheegay in meydka aan la aasi doonin inta jawaab rasmi ah ay ka bixinayaan masuuliyiinta kala duwan ee dowlada Somaliya waxayna dhanka kale ugu baaqeen waalidiinta Ciidamada Qalabka sida in ay ciidmada kala soo baxaan maadaama aan waxba loo qabaneyn hadii dhib ku dhaco