Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo gaar ahaan degmada Baledxaawo ayaa waxa ay sheegayaan in israsaaseyn kooban ay dhexmartay Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan Xadbeenaadka Soomaaliya la wadaagto Kenya.
Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii Ciidamadda Kenya ayaa rasaas ku fureen dad shacabka ah oo ku banaan baxayay xaduud beenaadka u dhaxeeya Baladxaawo iyo Mandheera.
Ciidanka xoogga ayaa rasaas uga jawaabay tilaabada ay qaadeen Ciidanka Kenya, waxaana labada dhinac dhexmaray iska horimaad kooban.
Saraakiisha labada dhinac ayaa ku guuleystay hakinta iska horimaadka, waxaana la sheegay in hadda xaaladdu ay tahay mid degan.
Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo labada dhinac soo kala gaaray.
Waxaana jiraa muuqaalo aad looga xumaaday oo baraha blshada ka soo dhiga kaas oo la arkay askar kenyaan ah oo risaas ku asqeynayo nin somali ah oo aan hubeysneyn