Marwo Canab Axmed Ciise Gudoomiye xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabelle ahna kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta ka qeybgashay kulan Jowhar ka dhacay oo looga hadlaayay arimaha heyb sooca.
Kulankaan oo ahaa mid lagu xusayay sanad guurada 1aad ee ururka midnimada Beelaha Gorgaarte Hawiye.
waxaa sidoo kala ka soo qeybgalay masuuliyiinta Magaalada Jowhar,kuwa heer Gobol iyo Kuwa heer Dowlad Goboleed.
Mas’uuliyiinta ka hadashay Xaflada ayaa intooda badan waxay diirada ku saareen sidii looga bixi lahaa dhaqanka xun ee Soomaalidu dhexdooda isku heyb soocdo.
Canab Axmed Ciise ayaa hadalo qiiro leh goobta ka jeedisay iyadoo sheegtay in dadka walaalaha ee Gorgaarte Hawiye ay meel iska dhigeen dhaqankii boqolaalka sano lagu dhaqmaayay ee heyb sooca ahaa.
“Macquul maaha in gabdhaha Gorgaarte qaarna la guursado qaarna la heybsooco”ayay tiri Canab Axmed Ciise.
“Waa in la saxaa qaladaadkii la galay boqolaal sano ka hor, anigoo ku hadlaya magaca madaxda sare ee horshabelle waxaan leeyahay way dhamaatay cunsuriyadii”ayay mar kale tiri Canab .