Waxaa La Magacaabay Guddi ka kooban Cuqaasha Ganacsata, Qurba Joogta iyo Dhalinyarada iyo Haweena loona Xil saaray Diyaarinta Madasha shirka iyo Casuumaada Waftiga Madaxwaynaha in Qaab Heer Caalami ah loo soo Dhaweeyo.
Guddiga Ayaana Hada Diyaariye Madashii Madaxwaynaha lagu soo dhawayn lahaa oo haatan la dhisayo Waxaa Kaloo Magaalada siwayn looga Dareemayaa soo dhawaynta Madaxwaynaha Waxaana Meel waliba la sudhay calanka iyo sawirka Madaxwaynaha.
Dhinaca Dawlada Deegaanka.
Wafti Heer Wasiir ah ayaa Gobolka ku sugan iyo Maamulka Gobolka Doolo Waxaa Kulamo la Qaateen Guddiga soo dhawaynta Madaxwaynaha iyo Odayaasha dhaqan Buuhoodle Waxaana Deegaankanka ka socota Qaban Qaabo Balaadhan.
Madaxwayne Mustafe ayaa Lagu Wadaa inuu Booqdo Dhul Balaadhan oo Beesha bariga Doolo ay Degto” indhihiisa ku arko Baahiya Deegaanka ka Jira oo bulshada Deegaankaasi Baahi u Qabaan.