Shir kasta oo ku saabsan arimaha Doorashooyinka waa looga yeeraa, nasiibdarro kaalin muuqata iyo saxiix midna kuma yeesho, sida muuqata Qurxis oo kaliya ayuu shirkaasi uga qeyb-galaa Guddoomiyaha G/Banaadir, mar haddii la laalay 13-kii Senator ee uu lahaa Gobolkiisa!
Dad badan ayaa is-weydiinaya sababaha Cumar Finish loogu diido inuu Kaalin iyo Saxiix ku yeesho war Murtiyeedyada laga soo saaro Shirrarka uu qeybta ka yahay!
Haatan waxaa Muqdisho ka socda shirar gaar-gaar ah oo looga hadlayo Arimaha Doorashooyinka, Duqa Muqdisho qeyb ayuu ka yahay shirrarkaasi hase yeeshee wax Qoonde ah kuma laha Arimaha laga hadlayo maadaama la tuurey 13 kursi ee G/Banaadir uu ku yeelan lahaa Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya!
#Xamar_Nasiibkeedaa_Xumaadey!