Shirweynaha wadatashiga beelweynta hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdishop ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah baaqyo iyo talooyin ku wajahan madaxda dowlada iyo mucaaradka
Gogosha nabdeed waxaa bulshada Soomaaiyeed u dhigay beelweynta hawiye si ay uga raaligaliyaan kana galiimaan ugana tacsiyeeyaan cidkasta oo wax ka tabaneysa oo muraadleydu qadaftay ama u geftay
Waxaana ka soo qeybgalay Madaxda duubabka dhaqanka nabadoono masuuliyiinta Kala duwan culumaudiin aqoonyahano dhalinyaro haween kooxda barbaarta gaashaama waxgrad iyo marti shraf kale oo munaasibada lagu casuumay waxaana diirada lagu saarayey intii uu shirku socday Meeqaamka gobolka bnaadir u Jiheynta doorashooyinka iyo qaabeynta midnimada dalka waxaana la isu muujinayey faraxd reynrryn la iskuna soo dhaweynayey gacmo furan
.Masuuliyiintii madasha ka hadashey waxaa ay magacyadooda ku kala hadlayeen beelaha Digil iyo mirifle daarood dir iyo beelaha banadiriga iyo beelo kala kale oo soomaaliyees
Waxaana gunaanadkii shirka laga soo saaray warmurtiyeedkaan
Shirweynaha wadatashiga beelweynta hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdishop ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah baaqyo iyo talooyin ku wajahan madaxda dowlada iyo mucaaradk1
Warmurtiyeedka shirka dhaqanka hawiye.
Bismilaah.
Ka dib kulamo isdaba joog ah oo odayaasha dhaqanka ee beelaha hawiye ay ku lahaayeen magaalada muqdisho ugana arinsanayeen xaaladda uu dalku marayo, waxeey isku raaceen falanqayn dheer ka dib,
1- waxgaradka hawiye iyaga oo dareensan waqtiga xasaasiga ah ee uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in looga gudbo xasilooni waxeey markale cadaynayaan in ay si buuxda u garabtaaganyihiin dawladda Soomaaliyeed iyo hugaankeeda.
2- Odayaasha Hawiye waxeey soo dhawaynayaan go’aanka xukuumadda ee ku aadan qabaahada doorasho ku dhacda waqtigeeda waxeeyna bogaadinayaan dedaalkii ay dawladda FAderaalka iyo madaxwaynaha galmudug ku bixiyeen dhamaynta tabashooyinka jira iyagoo dhiirigalinaya in aan laga daalin waxkasta oo suurtagal ah.
3- Waxaan soo dhawaynaynaa dedaalka Raysawalsaaraha ee xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta iyo kulamada uu la bilaabay musharixiinta
4- Odayaasha Hawiye waxeey ugu baaqayaan dhamaan dhinacyada tabashada qaba in ay aqbalaan gacanta ay u fidisay Dawladdu kuna biiraan hanaanka Doorashada dulqaadna muujiyaan.
5- odayaashu waxeey si aad ah uga xunyihiin ugana bixinayaan Raaligalin buuxda hadaladii aan munaasibka ahayn ee dad sheeganaya magaca beeshaan ugu gafeen beelaha walalaheenna ah ee Soomaaliyeed waxeey ka bixinayaan xaal iyo xumayn.
6- odayaashu waxeey u cadaynayaan Bulshada Soomaaliyeed iyo dunidaba in cidda kaliya ee ku hadlikarta magaca dhaqanka hawiye ay yihiin Odayaasha Rasmiga ah ee ku jiray Saxiixayaashii 135-ta ahaa.
7- odayaaaha Hawiye waxeey ku celinayaan in aanay gorgortan galikarin daganaashiyaha dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho cidkasta oo isku daydana waxaan wayydiisanaynaa Dawladda kuna taageeraynaa in sharciga lamarsiiyo.
8- ugu danbayn beeshu waxeey ugu baaqaysaa dhamaan Shacabka Doomawliyeed Midnimada, isjacayl iyo walaalnimo isla markaana gacanta midig lagu qabto hayadaha cudurdinka ah ee Dawladda heerarkeeda kala duwan.
Mahadsanidiin.