Home Afsomali Full VIDEO Banaan Baxayaal taayaro gubay kuna dhawaaqay dhageeyso

Full VIDEO Banaan Baxayaal taayaro gubay kuna dhawaaqay dhageeyso

https://youtu.be/1BkPMXJBVwg

Ka dib isku day maamulka Gobolka banaadir doonayey in la aaso gurina loo magacaabay ayaa baaqday waxaana diiday meydka in la aaso eheladiisa oo eedo ka tirsanayo gudoomiye cumar Finish dilka ka sokow

Dadweyne fara badan oo ka careysan dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakad-geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Sidoo kale dadka dhigayey dibad-baxa ayaa taayaro ku gubay laamiga, sidoo kalena biro iyo dhagaxaan ku gooyey.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka guddoomiyaha, iyaga oo cadaalad ka Calbadayadowladda Soomaaliya.

Shacabkan isugu soo baxay Taraboonka ayaa sidoo kale wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ahaa inuu iska hor imaad ku dhintay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay uun ku soo laabtay dalka.

dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa dhaliyey xiisad xoogan, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkiisa, waxaana loo xiray illaa 9 askari oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Booliska

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.