Home Afsomali Wasiir cukuse Ajakis jigjiga ma aadeysi ee Muqdosho ku laabo

Wasiir cukuse Ajakis jigjiga ma aadeysi ee Muqdosho ku laabo

 

Cabdi muriidi dheere ajakis oo laga siidaayey saldhiga bolice ku yaal gudaha madaarka magaalada hargeysa ayaa loo diiday in uu horey u sii wato safarkisii ku aadanaa magaalada jigjiga ee dhulka somalids laga heysto.
Majaajiliiste ajakis ayaa lagu heystay riwaayad uu ka sameeyey wasiirka warfaafinta somaliland cukuse oo tilmaameysay isga oo can san in uu gaarigiisa ku dhuftay gaari kale taasi oo uu aad uga carooday.
Ajakis ayaa sidoo kale riwaayd ka sameeyey madaxweyne siilaanyo oo uu sheegay in maalintii uu yahay madxweynaha maamulka somaliland halka habeenkiina ay tahay marwo aamina waris oo xaaskiisa ah .
Cabdi muriidi ayaa lagu yaqaan barnaamijkiisa faaliyaha qaran ee ka baxa tiiviiga univeral in uu ku soo qaato riwaayado badan oo qaarkood dadka lagu camirto ay aad u dhibsadaan.
Wuxuuna arimaha somaliland horey uga bixiyey raali galin.
Wasiir cukuse ayaa u muuqdo in uu dhagaha ka fureystay raali galinta taa bedelkeedana ajakis xabsiga dhagay wuxuuna amrey ciidamada in ay dib ugu celiyaan magaalada muqdisho.

Ajakis wuxuu xusay in uu soo maray hal habeen oo sanado u dhigma

Cabdi muriidi wuxuu hadalkiisa ku daray in uu tagitaanka hargetsa ka waanin doono ilmihiisa iyo caruurta ay dhaleen

Ddka siyaasada indha indheeya ayaa qirey in arintaan u muuqato mid si qasab ah loogu tarxiilayo mr ajakis riwaayadiiste.

Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajax) ayaa wareysi murugo ah bixiyey kadib markii maanta loo soo tarxiilay Muqdisho oo ah Magaalada Madaxda Soomaaliya.

Ajax ayaa waxa uu sheegay in Hargeysa lagu Xiray islamarkaana la jir dilay intii uu qol ku yaallay garoonka Cigaal ku jiray si gaar ahna umagacaabay dadka jir dilay.

Majaajiliistaha ayaa sheegay in Wasiir Cukuse uu ka dambeeyey in la xiro islamarkaana Xanuunka Sonkorta uu qabay ku kacday markii Xalay uu ku hoyday Saldhiga Magaalada Hargeysa.

Ajax waxa uu sheegay in Maareeyaha Garoonak Diyaaadaha Hargeysa uu sameeyey dharbaaxsho la dhacay isagana uu ka xumaaday falkaasi foosha xun ee loo geystay.

Majaajiliiste Ajax ayaa sheegay in baasaboorkiisa loo diiday in la siiyo balse markii dambe ay Maamulka Universal Hargeysa usoo qaadeen sidaana maanta loogu soo celiyey Magaaada Muqdisho.

Wasiir Cukuse ayaa ka carooday Barnaamij ka baxay UNIVERSAL TV oo Faaliyaha Qaranka looga hadlay Ajax ayaana mas’uul ka ahaa Barnaamijkaasi.

https://youtu.be/N5I81-k_a18

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.