Home Afsomali Dowladda Soomaaliya ayaa Shaaca ka Qaaday in hawada iyo garoomada dalka laga...

Dowladda Soomaaliya ayaa Shaaca ka Qaaday in hawada iyo garoomada dalka laga mamnuucday diyaaradaha inta badan iskaga goosha gobolada dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in hawada iyo garoomada dalka laga mamnuucday diyaaradaha duugga ah ee lagu farsameeyay wadankii la oran jiray Midowga Soofiyeeti.
Diyaaradaha ay Hay’adda Duulimaadka Soomaaliya mamnuucday ayaa waxaa ay kala yihiin: Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12.

Diyaaradaha ay dowladda Soomaaliya mamnuucday ayaa ah kuwa xamuulka qaada oo ah diyaarad duug ah oo Midowgii Soofiyeeti.

Go’aanka Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya ku mamnuucday
Diyaaradihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa soo baxay 7 Febraayo, waxayna shaqadooda ku ekeyd 28 Febraayo 2019. balse waxaa loo kordhiyay in dalka laga saaro ilaa 15-ka Maarso.

Hay’adda duulista hawada ayaa sheegtay in dayuuradahan ay yihiin kuwo halis ah oo duugoobay. ayna qaarada afrika ku laheyn xarumo lagu dayactiro.

Previous articleMuseveni oo markii ugu horeysay kambaala ka daahfurey bus lagu sameeyey gudaha dalkiisa
Next articleNin adeer u ah Xasan Cali Kheyre oo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ka danbeeyo Amni darida ka jirta dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.