Home Afsomali Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis kala saxiixday

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis kala saxiixday

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ku kala saxiixday Magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho heshiis iskaashi oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Marwo Emanuela Del Re, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa saxiixday dhankeeda dukuminti kaalmo bani’aadannimo ay kaga guddoomayso Dowladda Talyaaniga, taasi oo la gaarsiin doono Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, si gaar ah deegaannada xeebta ah ee duufaanta “Gaati” ay ku dhufatay 23 Nofembar.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Marwo Emanuela Del Re, oo saaka booqasho ku timid Muqdisho, ayaa waxaa soo dhoweeyay dhiggeeda Soomaaliya, Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, oo kala hadlay iskaashiga dhinacyada tacliinta sare, tababarada iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Dowladda Talyaanigu waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, sida Arrimaha Ciidamada, Waxbarashada iyo gargaarka & Arrimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.