XOGTA BEESHA CAALAMKA & SHIRKII TENDHADA. EE AAD IGA SUGEYSEEN Ilo aad ugu dhaw beesha caalamka ayaa ii sheegay in shirkii maanta teendhada Afisyooni ku dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Beesha caalamka aan wax isfaham ah laga gaarin.
Shirkaan oo ay Madaxwayne Farmaajo ugu yeertay beesha caalamka ayay madaxwaynaha hordhigeen in uu ka laabto muddo kordhinta baarlamaanku sameeyay.
Waxaa kale oo ay madaxwaynaha kula doodeen in xilligii ay hay’adaha dawladdu sharciyada haysteen ay suurtagal ahaan lahayd sharciyadda muddo kordhinta balse hadda aanay jirin sharciyad lagu meelmarin karo arrintaas.
Waxaa ay ka dalbadeen Madaxwaynaha in dib loogu soo laabto wadahadaladii balse Madaxwayne Farmaajo ayaa ku adkaystay in maadaama heshiis laga gaari waayay doorashadii dadbanayd ay muhiim tahay in la helo wado kale oo lagu gaari karo doorasho dadwayne.
Markii shirku dhamaaday ayaa ilaha aan la xiriiray waxaa ay ii sheegay in farimo la isdhaafsaday, taasi oo ay u dhiibeen Madaxwayne Maxamaed C/laahi Farmaajo, fariintaas oo aan la ogayn waxa ay XANBAARSANAYD. A. SH.