Home Afsomali Farmaajo kolkii ay isaga kooxdiisa Kinsasha tageen, waxay kala soo noqdeen “xal...

Farmaajo kolkii ay isaga kooxdiisa Kinsasha tageen, waxay kala soo noqdeen “xal Afrikaan ayaa daawo u ah mushkiladaha Afrika

Farmaajo -Somalisan
Farmaajo -Somalisan

Farmaajo kolkii ay isaga kooxdiisa Kinsasha tageen, waxay kala soo noqdeen “xal Afrikaan ayaa daawo u ah mushkiladaha Afrika”. Xalkii Afrikaanka wuxuu noqday maanta markii uu shiray Golihii Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika in ay canbaareeyeen go’aanka halka dhinac ahaa ee ay Golaha Shacabka xilka iyaga madaxweynihii hore ugu kordhiyeen. Waxeyna ku tilmaameen in uu dib u dhigayo doorashooyinka, majaxaabinayo xasilloonida dalka iyo dimoqoraadiyadda curdunka ah iyo hab socodka dastuuriga ah.

Waxay kaloo sheegeen in go’aanku halis ku yahay amniga dalka iyo guulihii ay Soomaalidu gaareen sanadihii tegey, iyagoo gacan ka helaya Midowga Afrika. Waxay intaa ku dareen in AMISOM ay la socota dhaqdhaqaaqa goobaha la geynayo ciidanka Soomaalida, maadaama ay xaaladdu dalka kacsan tahay.

Waxay intaa raaciyeen in miiska wadahadalka lagu noqdo. Maadaama la fuli waayey doorasho qof iyo cod ah, waa in uu aasaasku wadahadalku noqdaa heshiiskii 17 Sept, talooyinkii farsamo ee Baydhabo lagu gaaray, lana xalliyo tabashooyinka kale ee jira si loo helo doorasho daahfuran, hufan si nabad ahna ku dhacda.

Waxay kaloo sheegeen in si degdeg ah loo diro ergay sare oo Midowga Afrika ka socda oo dhedhexaadin ka gala meel marinta go’aankooda. Go’aankan wuxuu taageeraya Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Farmaajo iyo kooxdiisa waxay nagu oran doonaan xalka dowladda xubinta ka ah Non-Aligned Movement wuxuu yaalaa dowlad aan dhinacna jirin, kolkaas ayey ogaan doonaan in isbahaysigaasi xilli hore lagu kala tegey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.