Home Afsomali Maamul Goboleydka Tunka weyn ee Puntland oo diiday hadal ka soo yeeray...

Maamul Goboleydka Tunka weyn ee Puntland oo diiday hadal ka soo yeeray Madaxweynaha xilkiisii dhamaaday ee dagan Villa Somaliya

Wasiirka Wasaarada Haweenka maamulka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo horjeesatay hadal kasoo yeeray Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kasoo ahaa in Magaalada Muqdisho loo soo qaado gabadhii lagu kufsaday degmada Goldob ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegtay in maamulka Puntland ay ku filan yihiin daryeelka iyo sidoo kale sidii gabadhaasi ay ku heli laheyd Cadaalad ku filan, laakin aysan dhicin doonin in Xamar la geeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayay u sheegtay in looga baahan yahay in uu daryeel iyo sidoo kale Cadaalad u sameeyo gabadhaha ku nool Muqdisho, laakiin Puntland ay gabadhaasi u taallo Caafimaadkeeda iyo sidoo kale in ay hesho cadaalad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan warqad kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in gabadhaasi ay dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto in ay hesho Cadaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.