Home Afsomali Maxay tahay sababta Kim Jong-un oo amar kasoo saaray saraawiisha Jeans-ka?

Maxay tahay sababta Kim Jong-un oo amar kasoo saaray saraawiisha Jeans-ka?

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaan soo saartay xeerar looga hortaggayo saameynta dhaqamada shisheeye- gaar ahaan in la ciqaabo qof kasta oo lagu helo in isago daawanaya aflaanta shisheeye ama sawaariisha Jeans-ka iyo adeegsiga af-suuqa, hadda maxay tahay sababta?

Yoon Mi-so waxay sheegtay in markii 11 aheyd ay aragtay qofkii ugu horreeyay la dal-dalay kadib markii lagu helay isaga oo daawanayaa riwaayadaha Kuuriyada Koonfureed.

Waxay sheegtay in dadkii deriska la ahaa qofkaas la dal-dalay lagu khasbay inay daawadaan riwayaddaas.

“Haddii aad daawan waaysaan, waxaa la idin kuugu tirinayaa in aad gasheen khiyaano qaran” ayay tiri Yoon Mi-so oo ku sugan Seoul xilli ay la hadleysay BBC-da.

Ciidamada amniga Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijinaya in xukun dil ah lagu fuliyo qof kasta oo dalka soo geliyo muuqaallada sharci darrada ah.

“Waxaan soo xusuustaa nin indhaha loo xiray oo ay ilinta ka daadeyneyso, waxay ku xireen bir , markii dambena wey toogteen”

‘Dagaal aadan u heysan wax hub ah’

Kawaran haddii aad wajaheyso mar kasta xayiraad joogto ah oo ku aadan in aadan heli karin internet ama aad geli karin baraha bulshada, waxa aad daawan karto uu yahay teleefishinno fara ku tiris ah oo baahinaya khudbadaha hoggaamiyeyaasha dalka- waana nolosha ka jirta Kuuriyada Waqooyi.

Qof kasta oo lagu helo macluumaad warbaahineed oo ku saabsan Kuuriyada Koonfureed, Mareykanka ama Japan wuxuu wajahaya xukun dil ah, kuwa lagu helo iyaga oo daawanayaa waxaa lagu ridaya 15 sano oo xarig ah.

Dhawaan warqad uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un u qoray xisbiga dhalinyarada ayuu ku baaqay in la sameeyo howgallo ka dhan ‘Dhaqamada aanan la aqbalikarin ee shaqsiyadeed ee kasoo horjeedo dhaqamada hanti wadaaga’ ay wadaan dhalinyarada.

Wuxuu doonayaa in la joojiyo hadallada, qaabka timaha loo jarto iyo dharka uu ku tilmaamay ‘sunta halista ah’

Warbaaninta NK ee fadhigeedu yahay Seoul oo soo xiganeyso ilo wareedyo ku sugan Kuuriyada Waqooyi ayaa ku warrantay in saddex qof oo dhalinyaro ah la geeyay xarun dhaqan celis ah kadib markii timahooda ay qaab kale u jarteen , waxaana la jaray saraawiishooda oo anqowga dhaafsiisanaa, BBC-ada ma xaqiijin karto dhacdooyinkaas.

Dhammaan tallaabooyinka, Kim Jong-un wuxuu ku jiraa dagaal aanan ku saabsaneyn hubka nukliyeerka ama gantaallada.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in Kim uu isku dayayo in uu joojiyo in dhaqamada ama wararka shisheeyee ay soo gaaraan shacabka Kuuriyada Waqooyi xilli ay sii adkaaneysa ku noolaanshaha dalkaas.

Malaayiin qof ayaa loo maleynaya inay soo wajahday gaajo, Kim Jong-un wuxuu xaqiijinayaa in dadka ay raacaan awaamiirta dowladda intii ay ogaan lahaayeen nolosha ka jirta dibadda iyo daawashada aflaanta.

Dalkan ayaa ah mid xiran, wuxuu sanadkii lasoo dhaafay xiray xudduudda si looga hortaggo safmarka Karoona, waxaa uu hakad galay ganacsigii iyo badeecadihii muhiimka ahaa ee uga imaan jiray dhinaca Shiinaha, inkasta oo ay badeedacada lasoo geliyo Kuuriyada Waqooyi ay yihiin kuwa la xaddiday.

Go’doominta uu is geliyay Kuuriyada Waqooyi ayaa uga sii dartay dhaqaalaha dalkan oo ahaa mid sii xumaanayay iyadoo dhaqaale badan la gelinayo barnaamijka Nukliyeerka.

Kim Jong-un wuxuu qudhiisa qiray in shacabka dalkiisa ay wajahayaan dhibaatadii ugu darneyd.

Muxuu sharciga ka oronaya arrintani?

Warbaahinta Daily NK ee fadhigeedu yahay Kuuriyada Koonfureed ayaa baahisay nuqullo kamid ah dastuurka gaar ahaan waxa uu ka qabo go’aamadan ugu dambeeyay ee kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi.

“Wuxuu dhigayaa haddii qof kamid ah shaqaalaha la qabto, waxaa la ciqaabayaa madaxii shaqaalaha, haddii canuga uu dhib badan yahay, waxaa la ciqaabaya waaliddintiisa” ayuu yiri tafatiraha warbaahinta Lee Sang Yong xilli uu la hadlayay BBC-da.

Wuxuu doonayaa in uu burburiyo riyooyinka dhalinyarada dalkiisa gaar ahaan damaca ah inay nolol u raadsadaan dhinaca koonfurta.

Choi Jong-hoon, oo kamid dadka fara ku tiriska ee kasoo baxsaday Kuuriyada Waqooyi ayaa BBC u sheegtay in “Marka ay xaaladda adkaato, waxaa sii adkaanayaa xeerarka, sharciyada, ciqaabtana waa mid jirta”

Ma yahay mid shaqeynayo?

Waxaa horraan jiray howlgallo ka dhan ah arrintani, dadka waxay daawan jireen filimo si sharci darro ah looga keenay dhinaca Shiinaha.

Waxay isugu gudbin jireen filimada USB.

Choi Jong-hoon, waxay ka sheekeysay xusuusteedi ku aadaneyd in laamaha amniga Kuuriyada Waqooyi ay howlgal ka fuliyeen jaamacad sanadkii 2002-dii isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen in ka badan 20,000 cajaladood.

Kim Geum-hyok waxay dhankeeda sheegtay in markii auu 16 jir ahaa ay qabteen ciidamo gaar ah oo baacsanayay qof kasta oo sii faafinayo muuqaallada lagu tilmaamay sharci darrada.

Wuxuu saaxibkiisa ku wareejiyay cajallo ay ku jireen heesaha qoob ka ciyaarka ee Kuuriyada Koonfureed kuwaas oo aabihii ka keenay dhinaca Shiinaha.

Kim Geum-hyok wuxuu sheegay in la geeyay goob qarsoodi ah isla markaana halkaas lagu hayay afar maalmood oo uu garaac kula kulmay.

“Aad baan u naxay” ayuu yiri isaga oo ku sugan Seoul halkaas oo uu hadda ku nool yahay.

“Waxaan u maleeyay in aan dhimanayo, waxay doonayeen inay ogaadaan halka aan ka keenay muuqaalka iyo tirada dadka aan u gudbiyay, kuma oran aabahay ayaa Shiinaha ka keenay, waxaa ku iro ma garanayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.