Home Afsomali Arimaha caqabad ku ah sii jiritaanka Shilin Soomaaliga

Arimaha caqabad ku ah sii jiritaanka Shilin Soomaaliga

Isticmaalka Shilin Soomaaliga waxaa soo wajahday caqabado aad u badan kaddib markii ay ganacsatadu diideen iney qaataan shacabkiina ay billaabaan lacag shilin Soomaaliga iney qubaan.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya deegaanno hoos yimaaddo maamul Puntland waxaa la sheegayaa iney dadku lacagta shilin Soomaaliga qubeen maadaamaa ay waayeen cid ka qaadato.

Muddooyinkii u dambeeyey qayba ka mid ah Dowlad Goboleedyada Soomaaliya waxaa ka jiray dhibaatooyin la xiriira acagta shilin Soomaaliga iyadoo meelaha qaarna laga diiday isticmaalka shilinka.

Ganacsatada iyo maamulladana waxay marar badan kulammo ka yeesheen sidii dhibaatooyinka hareeyey isticmaalka Shilin Soomaaliga xal looga heli lahaa

Xogaha aan ka heleyno qaybo ka mid ah Soomaaliyana waxay sheegayaan 1-kii doolar in lagu kala sarrifto celcelis ahaan ilaa 23,000 oo Shilin Soomaali ah.

“Nasiib darro dadaalkii aan shilinka Soomaaliga u galnay wuxuu dhibaato u horseeday bulshadeenna. Waxaa la isweydiiyaa maxaa sarifka halkii doolar ee deegaannada kale ka dhigay 22 kun oo shilin ilaa 23 kun halka Puntland halkii doolar lagu sarrifo 40 kun oo shilin?”, ayuu isweydiiyay madaxweyne Deni oo mar ka hadlay arrinka shilinka.

Haddaaba maxay yihiin caqabadaha jira oo halista ku ah jiritaanka Shilin Soomaaliga?

1. Lacagaha Been Abuurka ah

Tan iyo markii ay burburtay dowladdi dhexe ee Soomaaliya sanadki 1991-kii waxaa meesha ka baxday awooddii dowladeed ee u taagneyd maamulka, dabagalka iyo jaan gooynta qiimaha iyo sarrifka lacagaha.

Taasina waxay dalka u horseedday iney lacagta Shilin Soomaaliga qiimaheeda uu hoos u dhaca isla-markaana ay suuqa si fudud ku soo galaan lacaga been abuur ah oo door weyn ka qaatay qiima dhaca sariifta lacagta Shilin Soomaaliga ku yimid.

Ma jiro tirakoob laga sameeyey xadka ay la’egtahay shilin Soomaaliga been abuurka ah, balse dad badan ayaa u arkayay in ay tahay xal maadaamaa lacagtii hore ay qadka kasii baxayso, aysana jirin cid dowlad ah oo lacag cusub soo daabacday.

Waxaa la sheegaa in Muddaddii burburka, dalka Soomaaliya la geliyay lacag been abuur ah oo dad kala duwan ay daabeceen.

Tani waa caqabad weyn oo si weyn u sumcad dishay shilinka oo markii horeba la daalaa dhacayay caqabado kale oo dheeraad ah oo ay ka mid tahay in xaanshida kunka ugu weyntahay, uguna yartahay, taas oo keentay in kunka kaliya la adeegsado.

2. La’aanta shillin Soomaali cusub

Shilinka Soomaaliga ee hore oo weli laga isticmaalo qayba ka mid ah Soomaaliya waa lacagtii ay dowladdi burburtay xilligeedi la isticmaalayey iyada oo ay jirin lacag cusub oo beddeshay tan iyo sanadkii 1991-dii.

Dowladihii ka dambeeyey dowladdii kacaanka ee isugu jiray mid ku meel iyo mid Federaal ahba waxay marar badan dedaal u galeen in lacago cusub oo tii hore beddesho la soo saaro waloow iskudaygii ay sameeyeen ay weli mira dhal noqonin.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay soo daabeceyso lacag cusub oo naqshad cusub leh. Lacagtan cusub oo noqoneysaa middii ugu horeysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagta hadda la isticmaalo “dhammaanteed ay tahay been abuur, suuqana ay laga saari doono.”

 

Sanado badan, shilinka Soomaaaliga wuu sabeynayay, taasna waxa ay ka dhalatay dagaallada dalka ka jiray iyo lacagta oo cidini aysan maamulin.

Dadka dhaqaalaha ku taqasusay waxay sheegayaan in “ururo iyo maamul goboleedyo ay daabeceen lacag been abuur ah oo hadda suuqyada laga isticmaalo”.

Dowladda Soomaaliya oo taasi sabab uga dhigeyso, ayaa hadda qorsheyneyso in ay bedesho qaabka ay hadda u egtahay shilinka Soomaaliga.

Dowladda ayaa daabacaadda lacagta cusub la kaashaneyso hay’adda lacagta adduunka ee IMF, iyada oo daabacadda lacagtaasi ay ku kacday 60 malyan oo doolar.

Caqabadaha dowladda ay wajeheyso waxaa ka mid ah sida loo kala saari karo midda been abuurka ah iyo tan runta ah, marka ay gaarto in dadka loo bedelo, maadaama bangiyo badan aysan dalka Soomaaliya ku oollin.

Waxaa kaloo caqabad ah sida lookala bedelanayo lacaagta cusub iyo midda hadda la adeegsado.

3. Isticmaalka badan ee doolarka

Lacagta Soomaaliga ee suuqa ka sii baxeyso ama deegaanno badan laga joojiyey waxay saameyn mug leh ay u geysatay noolasha shacabka Miyi iyo magaalaba ku nool.

Waxaase hadda booskii shilinka si aan rasmi ahayn u galay doolarka Maraykanka, kaas oo hadda lagu jaangooyo wax kasta oo badeeco ah oo la kala iibsanayo.

Isticmaalka doolarka aad ayuu ugu baahay meel kasta oo Soomaaliya ah iyo qeyb kasta oo nolosha ka mid ah, iyada oo xitaa sayladaha xoolaha wax lagu kala iibsado doolarka.

Xogaha aan ka heleyno deegannada Puntland waxay sheegayaan inuu si weyn hoos ugu dhacay qiimaha Shilin Soomaaliga iyada oo dolarkana uu si aad ah sare ugu kacay.

Ganacsataduna waxay sheegeen guddiyo maamulka Puntland oo waxka qabashada dhibaatootinka ku gadaman isticmaalka shilin Soomaaliga ay ka qabato.

Mamulka Puntland wuxuu horay u go’aamiyey 1 doolar wixi ka yar Shilin Soomaali lagu kala qaato taasina ay socon weyday.

Soomaaliya ayaa hadda si weyn looga isticmaalaa dollarka oo sababay sicir barar.

Lacagta doolar ee laisticmaalayana waxay si gaar ah u saameysay dadka danyarta ee xoogsada sida baalashlayaasha Shilin Soomaaliga ku qaadan jiray lacagaha ay ka qaataan baalashka kabaha iyo dadka masaakiinta ah ee dawarsada oo Shilin Soomaaliga sadaqa ahaan loo siinayey ayna adag tahay in moobaayl looga soo diro.

4. Adeegsiga lacagaha danabaysan ee moobilka

Dadka danyarta ah oo markoodi horaba liitay ayaa ah kuwa ugu nugul maadaamaa markii horaba aysan doolar haysan isticmaalka taleefanka gacanta ee lacagaha la isugu dirana isticmaalkiisa aysan badankood aqoon.

Maadaamaa shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta Soomaaliya ay fududeeyeen lacagaha taleefoonada la isugu diro, isla markaasna shilinka uu aad u tiro badanyahay, waxaa dadka aad ugu sahlanaatay in ay isticmaalaan tan moobilka ee danabaysan, taas oo ay ku gutaan dhammaan baahiyahooda.

Waxa la gaaray heer meherad kasta oo Soomaaliya ku taala laga helayo adeegga lacagta danabaysan oo aad wax ku iibsan kartid, xitaa kuwa ugu yaryar ee shaaha lagu iibiyo.

  • Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaabka?
  • Diidmada Shilin Soomaaliga oo ku sii fideysa bartamaha Soomaaliya

Arrintan waxa ay caqabad weyn ku tahay sii jiritaanka shilinka iyo muhiimaddiisa, iyada oo aysan jirin cid awood dowladeed leh oo difaacda.

Mudadadaas uu dalka burbursanaa waxaa meesha ka baxay qeybihii kala duwanaa ee shilinka, kunka shilin oo kaliya ayaana ka soo haray dhammaan lacagihii ka hooseeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here