Home Afsomali Puntland oo ka hortimid in hay’adaha caalamiga ah ay deyn siiyaan dowladda...

Puntland oo ka hortimid in hay’adaha caalamiga ah ay deyn siiyaan dowladda Soomaaliya

Puntland ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay deymo uga hesho hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqaha bixiya.
“Puntland ma taageereyso hindisaha lagu amaahinayo hay’adaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahani waxa uu ka dhigi doonaa in carruurta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeeshaan deyn-bixiyayaasha” ayuu yiri wasiirka qorshaynta Puntland.

Maxamed Siciid Faroole, wuxuu sheegay, Puntland inay warqad u diri doonto deyn bixiyayaasha caalamka si ay uga hortagaan, wuxuu ku sheegay qorshaha lagu doonayo in lagu isticmaalo sharcinimada hay’adaha taagta daran ee dowladda Soomaaliya.

Hadalka Puntland ayaa yimid, iyadoo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay qorshaynayso iyadoo adeegsanaysa nidaamkan cusub ee indhaha Beesha Caalamka , ay doonayso in ay lacago ka soo amaahdaan dalalka deeqaha bixiya iyo hay’adaha Bretton Woods, inkasta oo uu hakad ku jiro qorshaha deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay uga faa’ideysan lahayd hantida qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.