Date: 16/06/2021 Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somaliland Political Council) wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa
faragelinta qaawan ee Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ku hayo dib-u-habeynta iyo
magacaabista guud ahaan guddiyada doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan kuwa u xilsaaran doorashada
kuraasta Somaliland.
Sida ku cad qodobka 2-aad ee heshiiskii ay u dhamaayeen Madasha wadatashiga Qaranka iyo
daneeyayaasha doorashada 2021 ee Magaalada Muqdisho lagu saxeeexay 27 May 2021 waxaa lagu
go’aamiyey in xalinta khilaafaadka guddiga maamulka doorashada Somaliland uu masuul kayahay Ra’iisul
Wasaaraha XFS Mudane Rooble isaga oo ka talo gelinaya Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare
kuxigeenka Mudane Mahdi Guuleed, hase ahaatee waxaa noo caddaatay in Madaxweynuhu si toos ah u soo
farageliyey hawshii Guddigii Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay kala saaraan xubnaha laga
soo dacwooday, ka dib markii uu Madaxweynuhu:-
- Ku amray guddiga Wasiirrada ah in ay dib ugu soo celiyaan liiska Guddiga doorashada Somaliland
xubno shaqaale Dawladeed ah oo ay hore uga saareen oo uu ka mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu
u rabo Gudoomiyaha gudiga SEIT ee Somaliland.
- Madaxweynuhu wuxuu la wareegay oo mid mid ugu yeedhay Wasiirrada iyo qaybo ka mid ah Beelaha
SL oo doonayey in ay iska bedelaan xubnaha la soo dacweeyey ee ka tirsan Ciidamada iyo Shaqaalaha
Dawladda oo uu cadaadis badan ku saarey inaanan waxba laga beddelin, wuxuu la wareegay sadexdii
(3) xubnood ee Gudiga Wasiirradu warbaahinta ka sheegeen in laysku haysto oo ay u gudbiyeen Xafiiska
Ra’iisul Wasaaraha si ay go’aan uga gaadhaan 3da masuul ee u xilsaaran arrimaha Guddiyadda
Somaliland.
- Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday wuxuu dadaal weyn ugu jiraa in uu gacantiisa kusoo qorto
5tii xubnood ee ahayd in xukuumadu kusoo biiriso guddiyada doorashada ee SEIT, FEIT iyo
Khilaafaadka, ka dib markii ay ka tashadaan oo go’aan ka gaadhaan Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiye
Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenku.
Golaha Siyaasiyiinta Somaliland wuxuu u taaganyahay in bulshada iyo musharaxiinta ku tartamaya 57 kursi
ee ay leeyihiin Gobolada Waqooyi u madax-banaanaadaan doorashada Xildhibaanadooda. Runtii waa wax
laga xumaado oo aan ku jirin dhaqanka Soomaaliyeed iyo kan siyaasadda in beelo dhan oo siyaasiyiin iyo
dhaqanba wada socda loo diido in ay talo ku yeeshaan masiirkooda doorasho oo ay kusoo magacaaban
karaan xubintii ay ku lahaayeen gudiyada doorashada. Dadka oo loo adeegsado awoodda dawladda oo lagu
dulmo waxay meesha ka bixinaysaa aaminaadii lagu qabay Dawladda, waxayna keenaysaa kalsooni darro,
isnac iyo colaad.
Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Rooble oo annaga iyo ummadda Soomaaliyeedba
kalsooni buuxda siiyeen, waxaanu ugu baaqaynaa in uu joojiya faragelinta taban ee Madaxweynaha mudo
xileedkiisa dhamaaday ku hayo dib u habeynta iyo magacaabista xubnaha ka mid noqonaya Gudiyada
Doorashada ee Somaliland iyo in uu dedejiyo kulankii saddex geesoodka ahaa si go’aan looga gaadho
habraacyada iyo habsami u socodka arimaha quseeya doorashada kuraasta Somaliland, lana soo saarin
liiska magacaabista guddiga Somaliland iyadoo aan laysku afgaran.
Dhamaad