Home Afsomali Masuul sheegay in uu NISA uu ugu xayiran yahay Muqdisho

Masuul sheegay in uu NISA uu ugu xayiran yahay Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Soomaaliya Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa sheegay in mas’uuliyiinti hore ee Gobolka Gedo oo isaga kamid yahay ay dhibaato kala kulmayaan Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Qoraal dheer oo kasoo baxay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayuu ku sheegay in Amniga dalka aan sirasmi ah loogu wareejin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

“ Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA ayuu yiri”

Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Soomaaliya Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.