Home Afsomali Somaliland oo sheegtay in baasaboorka dalka lagu sameyn karin gudaha maamulkaas

Somaliland oo sheegtay in baasaboorka dalka lagu sameyn karin gudaha maamulkaas

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Duulista Oo Si Wada Jira Ugu  Dhawaaqay  Go’aan Lagu Mabnuucayo Joojinta Isticmaalka Iyo ku Safarka Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu  Sameeyo Gudaha Somaliland.

Hargaysa( Xafiiska Afhayeenka)-  Shir Ay saaka iskugu   yimaadeen  Wasiirada Wasaaradaha  Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, oo  ay wehelinayaan  Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guudo  Cabdillaahi Fadal Iimaan,  iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin ayaa  dalka lagaga  mabnuucay   Guud Ahaanba  in   lagu  joojiyey Isticmaalka  Iyo ku  Safrida Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu  Sameeyo  Gudaha Somaliland.

 

Shirkan  oo  maanta  oo ay taariikhdu  tahay  29/01/2017 ka    qabsoomay    xafiiska wasiirka  Arrimaha gudaha ayaa  lagu   cusboonaysiiyey   qaraar   hore uga  soo  baxay wasaarada arrimaha  gudaha oo   mabnuucayey qaadashada  iyo  isticmaalka baasaboorka  lagu  sameeyo  ama laga  soo  saaray   goob kamida   gudaha  dalka Somaliland.

 

1-In  gabi  ahaanba  la  joojiyo qaadashada , istimaalka  iyo ku  safarka  baasaboorka soomaliya ee  kazoo  baxay ama  ku  qorantahay  in lagu sameeyey   goob  kamida dhulweynaha  jamhuuriyada Somaliland  laga  bilaabo January 2017.

2-  Dhamaan  Shirkadaha safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and  Travel Agencies) kuma  jari karaan  tigidh baasaboorka  kor  ku sheegan  ee la  mamnuucay Isticmaalkiisa.

3-  Dhamaan  laamaha Socdaalka  iyo   Amniga waxa la farayaa  in aan  baasaboorkan dalka  lagu  soo  gali Karin lagagana  bixi Karin.

 

ALLAA      MAHAD    LEH

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.