[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]
Eydu waxay kamid yihiin boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordata) gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Sidoo kale waxay ku jiraan xayawaannada quuta hilibka (Carnivore) qoyska hoose ee micilleyda (Canis Familiares) kaas oo ay ka mid yihiin: Libaaxa, Bisadda, Yeyga iyo Shabeelka. Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Canis lupus familiaris). Asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa qaaradda Aasiya iyo bariga dhexe. waxaa la sheegay inuu eygu markii hore ka mid ahaa bahda yeyda. Luuqadda ingiriisida waxa loogu yeedhaa (Dogs), Carabidana (كلاب). Afka Soomaaligana Ey.
Cimrigiisu waxa uu gaadhaa 10-13 sanno. Culayskiisuna 27 illaa 40 kiiloo. halka uu dhererkooduna gaadho 20 illaa 30 sentimitir. Heerkulka jidhkiisuna waxa uu u dhaxeeyaa 38 illaa 39 digrii, waxa uu leeyahay 38 hiddo-side iyo 42 ilkood. sidkoodu waxa uu gaadhaa 58– 68 maalmood, iyagoo markiiba dhala shan ilaa lix ilmood. Waxay kamid yihiin xayawaannada uu rabbi qur’aanka ku sheegay. Eygu waxa uu ku jiraa xayawaannada hal calooleyda ah (Monogastric) iyo sidoo kale kuwa leh dhigga diirran (Warm blooded). Waxa ay wax quutaan maalintii (Diurnal) iyagoo quuta cuntooyinka kasoo jeedda hilibka (Carnivore). waxay ku qaangaadhaan lix sanno jir. Waxa jira qaar cuntooyinka kamid ah, kuwaas oo haddii lasiiyo eyda ama ay cunaan dhibaato caafimaad Ku keena waxaana kamid ah: Basasha, Toonta, Cinnabka iyo Shukullaatada.
Eydu waxay arkaan saddex midab oo kali ah, kuwaas oo ay waxkasta oo ay arkaana ay ula muuqdaan waxaana kamid ah: Huruuda, Buluuga iyo Boodhaha. waxaa jira xayawaano ay eyda wax iska dhalaan kuwaas oo uu ka mid yahay yeygu. Daraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday in aanay eydu lahayn daldalloolada sare ee dadku ka dhididdaan marka uu heer kulka jidhkoodu sarre u kaco, balse ay iyagu hawadaas afka ka qaataan sidaana isugu qaboojiyaan, waana sababta ay markasta eydu afka u kala hayaan. Eydu waxay ka mid yihiin xayawaannada aadka u urta dheer kuwaas oo kaga fiican xayawaannada kale oo dhan, sidoo kale waxay leeyihiin xasuus aad u fiican. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay xayawaanada ugu daacadsan xayawaannada dab joogta ah, kaas oo lagu tilmaamo saaxiibka ugu wanaagsan aadamaha (Man’s best friend).
Adduunka waxaa laga helaa illaa 200 oo nooc oo kala duwan, kuwaas oo ku kala duwan dhanka socodka, xajmiga iyo qaabka. waxaa jira xanuuno u kala gudba dadka iyo eyda (Zoonotic diseases) kuwaas oo ay ka mid yihiin: xanuunka buruseelka (Brucella) iyo ruquuska (Rabies) kaas oo ah xanuunku dhaca neerfaha, dadkana ku sababa dhimasho degdeg ah, sida lagu cadeeyay daraasado la sameeyay waxaa lagu ogaaday in xanuunnada dadku ka qaadaan eyda ay u dhinteen dad gaadhaaya 59,000 kun oo qof. Eygu wuxuu kamid yahay xayawaanada uu ku dhaco Xanuunka Macaanku sida dadka oo kale. Waxaa jira dalal badan oo kuyaala qaaradaha Aasiya iyo Afrika kuwaas oo laga cuno hilibka eyda waxaaana kamid ah: Shiinaha, Gaana, Nayjeeriya, Kuuriya iyo Fiitnaam, dalalkan qaarkood waxay hilibka u cunaan caado ahaan.
Waxa jira ururo badan oo udooda xuquuqda eyda, kuwaas oo kuyaala daafaha kala duwan ee qaaraddaha caalamka, kuwaas oo uu ugu weyn yahay ururka u dooda xuquuq xayawaannada micilayda ah (World Canine Organization) kaas oo ay xaruntiisu tahay dalka biljamka, sidoo kale waxaa jirta maalin caalami ah, oo ugaar ah eyda taas oo badiba laga xuso waddamada caalamka, kuna beegan 26 bisha sideedaad ee sannad kasta. Ugu danbayntii Eyda adduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa wakhti xaadirkan 900 oo milyan oo Ey, waddanka ugu badan ee ay adduunka kunool yihiin waa dalka Mareekanka. diinta islaamku ma ogola in la iska haysto ama la xanaannaysto ey, haddii aanay jirin sabab kugu kalifaysa oo aad uga faa’iidaysanaysaa, waxaana Nebigu (Scw) laga soo weriyay in qofka ey guriga ku rabaysta maalin kasta laga nusqaaminaayo camaladdii uu shaqaystay ajar weyn oo ka mid ah iyo in aanay qofkaas gurigiisa soo gelin Malaa’iigtu.