Home Afsomali Raiisal wasaarihii galmudug ahaana madaxii Ahlusunna ee dagaalka looga saaray Dhuusamareeb oo...

Raiisal wasaarihii galmudug ahaana madaxii Ahlusunna ee dagaalka looga saaray Dhuusamareeb oo dib u soo laabtay

Waxaa maanta magaalada Guriceel gaaray Sheekh Maxamed Shaakir, madaxii xukuumadii hore ee Galmudug, sidoo kalena ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ururka Ahlusunna.

Shaakir  ayaa  deegaanka ka maqnaa tan iyo bishii March 2020, kadib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in Macallin Maxamuud, hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna uu isna dhawaan ku wajahan yahay magaalada Gaalkacyo.

Labadan hogaamiye ayaa Galmudug ka baxay kadib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadan hogaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, xilli doorashada Soomaali ay marayso meel xasaasi ah.

Ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa Federaalka ayaa dhawaan waday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.