Home Afsomali WhatsApp ayaa joojineysa ka shaqeynta 43 moopilada nooco ka mid ah

WhatsApp ayaa joojineysa ka shaqeynta 43 moopilada nooco ka mid ah

WhatsApp ayaa joojineysa ka shaqeynta 43 moopilada noocooda  oo casri ah laga bilaabo Nofeembar Isticmaalayaasha 43 nooc oo kala duwan oo taleefannada casriga ah ayaa dhowaan awoodi doonin inay adeegsadaan barnaamijka caanka ah ee fariimaha deg dega ah ee Whatsapp1da Nofeembar,

barxadda ay leedahay Facebook ayaa joojin doonta ka shaqeynta taleefannada ku shaqeeya nidaamyada ka weyn Android OS 4.1, Apple’s iOS 10 iyo KaiOS 2.5.1, sida ku cad qaybteeda FAQ.Dhammaan taleefoonnadani ma heli doonaan taageero WhatsApp mana noqon doonaan kuwo la jaan qaada barnaamijka.

Haddii tan ay ku jirto aaladdaada, waxaad u baahan doontaa inaad u cusboonaysiiso moodel cusub oo taleefan ah oo leh nidaam hawlgal oo ay shirkaddu taageerto – ama adeegso adeeg farriin oo ka duwan gabi ahaanba.Waa kuwee taleefannada casriga ah ee aan awoodi doonin inay adeegsadaan WhatsApp laga bilaabo Noofembar 1?IPhone SE mar dambe taageero kama heli doonto WhatsApp.

BloombergLGLG Lucid 2, Optimus F7, Optimus F5, Optimus L3 II Dual, Optimus F5, Optimus L5, Optimus L5 II, Optimus L5 Dual, Optimus L3 II, Optimus L7, Optimus L7 II Dual, Optimus L7 II, Optimus F6, Enact , Optimus L4 II Dual, Optimus F3, Optimus L4 II, Optimus L2 II, Optimus Nitro HD iyo 4X HD, iyo Optimus F3Q.ZTEZTE Grand S Flex, ZTE V956, Grand X Quad V987 iyo Grand Memo.HuaweiHuawei Ascend G740, Ascend Mate, Ascend D Quad XL, Ascend D1 Quad XL, Ascend P1 S iyo Ascend D2.SonySony Xperia Miro, Sony Xperia Neo L iyo Xperia Arc S.Kuwo kaleAlcatel One Touch Evo 7, Archos 53 Platinum, HTC Desire 500, Caterpillar Cat B15, Wiko Cink Five, Wiko Darknight, Lenovo A820, UMi X2, Faea F1 iyo THL W8.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.