Home Afsomali Wasiiru Dowladah madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug Cumar Shido oo qoraal soo dhigay...

Wasiiru Dowladah madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug Cumar Shido oo qoraal soo dhigay Bartiisa in faahilku ka yimid dhanka farmaajo oo caqabad ku noqday xalinta khilaafka

Wasiiru Dowladah madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug Cumar Shido oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in wadahadalka ka dhex socday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu guuldareystay.

Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada galmudug ahmed abdi kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble.

Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan.

Galmudug waxay u taagan tahay in ay xaliso khilaaf walba oo hormarka, doorashooyinka iyo amniga caqabad ku ah, waxayna qeyb ka noqon doontaa dadaal walba oo dowladnimada Soomaaliya ku hana qaadi karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.