Cabdul Baaqi Haqqaani oo ah ku simaha madaxa Wasaaradda Tacliinta Sare eeTaliban ayaa sheegay in aan waxba laga soo qaadi doonin ardayda wax ku baratay dalka Afghanistan 20 -kii sano ee la soo dhaafay.
Kulan uu la qaatay qaar ka mid ah macalimiinta jaamacadaha ayaa sidoo kale wuxuu ku sheegay in dib u habeyn lagu sameeynayo waxbrashada Afghanistan si aradayda bilowga horaba loogu kala qiimeeyo xulashadoooda.
Wuxuu sheegay in ay tahay in macalimiinta dhankooda la siiyo tababaro la xiriira sidii ay u soo saari lahaayen jiil anfacaya bulshada reer Afghanistan.
Ku-simaha madaxa Wasaaradda Tacliinta Sare ee Taliban ayaa khudbadiisii ugu horreysay tan iyo markii xilka loo magacaabay ku dhawaad saddex toddobaad ka hor sharraxaad ka bixiyay qiimaha diinta iyo doorbididda barashadeeda, isagoo tusaale u soo qaatay wasiirrada ay Taliban magacawday. “Dawladda Taliban, waxay gaareen mansabyo sare sare, jaamacad kuma ay baran, balse waa culimo “culimo-udiin” ayuu yiri.
Horey ayuu u sheegay in Taliban aaney oggolaan doonin waxbarashada isku dhafan ee gabdhaha iyo wiilasha wuxuuna ku dhawaaqay in maaddooyinka laga bixiyo jaamacadaha dib u eegis lagu sameyn doono.
Isaga oo la hadlayay wariyaasha Cabdul Baaqi Haqqaani ayaa waxaa uu sheegay hadalkaan ” Taliban waxay doonaysaa inay abuurto manhaj macquul ah oo Islaami ah isla markaana waafaqsan qiyamkeenna Islaamka, kan qarankeenna, dhanka kalena, la tartami kara dalalka kale”.
Waxbarashada ilaa iyo hadda wiilasha ayaa bilaabay oo iskuullada ay dhigtaa way furanyihiin hase yeeshee aradyada fasalka lixaad ee gabdhaha ilaa iyo hadda ma cadda masiirkooda waxbarashada.
Balse mas’uuliyiinta waxbarashada ee Taliban ayaa laga soo xigtay in aaney ka soo horjeedin waxbarashada haweenka maadaama ay qirsanyihiin in diinta Islaamku aaney diideyn waxbarashada dumarka.
Balse waxaa jirta in marka laga hadlayo ku noqoshada goobaha waxbarashada ee gabdhaha iyo sii wadashada waxbarashadooda, ay saraakiisha Taliban horay u sheegeen in ay shuruudo ku xirayaan.
Habka waxbarashada ee dalka Afgaanistaan 20 -kii sano ee la soo dhaafay, ka hor intii aysan Talibanka gacanta ku dhigin dalkaas ardayda lab iyo dheddig waxbarashad way isla qaadan jireen mana jirin dhar gaar u ahaa gabdhaha dhiganayay Jaamacadaha iyo iskuullada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii koox haween ah oo ku nool bariga Kabul ay isugu soo baxeen halkaa, iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ka mid ahaayen “Ha siyaasadeyn waxbarashada” waxayna dalbadeen in gabdhuhu ku laabtaan dugsiyada iyo goobaha waxbarashada. Balse Taliban ayaa kala erayay haweenkaas.