Home Afsomali Dagaalka geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay duleydka Kismaay

Dagaalka geystay khasaaro kala duwan oo ka dhacay duleydka Kismaay

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidam o ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin degaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan.in dagaalka uu hal askari ku

dhaawacmay, sidoo kale ay uu ku burburay Gaaei booyad ah oo ay leeyihiin Ciidanka Kubbaland, isla markaana yallay Xerada la weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.