Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia ayaa dhaawac halis ah ku gashay Garoowe kadib markii ay iska soo tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe kuyaala.
Dhakhtaradan dhalinyarada ah oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia waa dhakhtarad Muslim ah waxayna u dhaxday dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga oo la yiraahdo Maxamed Cabdixamiid kaasoo ku takhakhusay xanuunada gaaska & uurkujirta.
Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah.
Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay kujireen qaliimo adag kuwaasoo dhamaan ay ku guulaysatey sida ay Daljir u sheegeen maamulka Qaran Hospita.