Home Afsomali Mareykanka oo ka fiirsanaya  Taageerada ciidankii danab  qeybta ka ahaa duulaankii ahlu...

Mareykanka oo ka fiirsanaya  Taageerada ciidankii danab  qeybta ka ahaa duulaankii ahlu suna 

Mareykanka oo ka fiirsanaya  Taageerada ciidankii danab  qeybta ka ahaa duulaankii ahlu suna

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku sameyn doonto taageerada ay siiso cutubyo sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,kadib markii ay ka qeyb galeen dagaal ka dhan ah saaxiibadii hore ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Sarkaal ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la hadlay warbaahinta  ayaa ka dambeysay markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo uu Mareykanku tababaray oo loo yaqaan Danab, ama “Biriqda” ay ka qeyb qaateen dagaalkii todobaadkan ka dhacay magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada Ahlu Sunna Waljamaaca. Kooxda islaamiga ah ee qunyar socodka ah ayaa loolan kula jirta Al-Shabaab, taasoo uu Mareykanku u arko khatarta ugu weyn ee ka jirta gobolka. Saraakiisha ciidamada Danab ee ku dhintay dagaalka ayaa waxaa ka mid ahaa Gaashaanle C/ladiif Axmed Cali Fayfle.

Sargaalka Mareykanka ah ee ku sugan Muqdisho oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in safaaradda ay ka warqabto wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ku lug lahaayeen dagaalka iyo dhimashada taliyaha Danab. Sarkaalka ayaa sheegay in taageerada dib loo eegi doono natiijada ku lug lahaanshahaas. “Mareykanku waxa uu tababaro iyo isku-dubarid taageero siinaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab si loo horumariyo ujeeddada aan wadaagno ee ah ka adkaanta Al-Shabaab,” ayuu yiri sarkaalka. “Natiijada dhacdadan awgeed, waxaan dib u eegi doonaa taageerada aan bixino si aan u hubinno in si habboon loo isticmaalo oo waafaqsan siyaasadda iyo ujeedooyinka Mareykanka.” Somali ayaa isku dayday in ay xiriir la sameyso taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo todobaadkan ku sugnaa deegaanka Guriceel, waa ay ku guuleysan weyday.

Dagaalka Guriceel oo bilaawday Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa galaaftay nolosha tobonaan qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, waxaana ku barakacay ilaa 100 000 oo Soomaali ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka iyo shaqaalaha caafimaadka. Maleeshiyada ASWJ ayaa laga saaray deegaanka horraantii 2020 kadib markii la dhisay maamulka cusub ee Galmudug. Hogaamiyayaasha kooxda ayaa xiligaasi isaga cararay deegaanka. Horaantii bishan, kooxdan ayaa si lama filaan ah dib ugu soo laabatay xilli la qorsheeyay in la qabto doorashada baarlamaanka, taasoo dhalisay dagaal hubeysan oo ka dhan ah dowladda federaalka iyo ciidamada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.