https://youtu.be/ygr5bTH6kRw
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka., waxa ayna uga mahad-celiyeen Agaasimihii Hore ee Hay’adda Mudane Maxamed Aadan Koofi shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.halka ay sidoo kale ansixiyeen guddoonka haya’ada batroolka soomaaliyeed Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS isaga oo tixraacaya go’aankii Xeer Madaxweyne ee ku aadanaa ku Takri-falka iyo Masuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilligan doorashada oo uu saaray Madaxweynaha JFS 27 Oktoobar 2021 ayaa waxa uu magacaabay guddi heer Wasiir ah oo qaabilsan ilaalinta iyo ka hortagga in la masuqmaasuqo dhulalka danti guud, waxana xubnaha guddigaas ay kala yihiin