Home Afsomali War deg deg ah:Dowladda Soomaaliya oo siisay persona Non-grata Ku xigeenka Midowga...

War deg deg ah:Dowladda Soomaaliya oo siisay persona Non-grata Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo

Amisom Force Commander. Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn from Ethiopia (L) The SRCC Amb. Francisco Madeira (C) presents a gift to Stg. Siasy Tesfamarian, Amisom Soldier from Ethiopia who is admitted at the Mater Hospital on 26th September 2019. He is flanked with Amisom Liason officer Col Dr. Assema Tefera Alemu.

War deg deg ah:Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah gudahood, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa Persona Non-grata loogu jaray oo ah nin aan dalka laga rabin.

Simon Mulongo waa Diblomaasi u dhashay dalka Uganda horay Xubin ka tirsan Baarlamaanka Uganda ayuu ahaa. Waa khabiir ku takhasusay xiriirka Caalamiga, La Taliya Arrimo Dhaqaale iyo Amni, waana xubin ka tirsan Xisbiga talada haya ee dalka Uganda.

Waa Diblomaasigii labaad muddo labo sano gudahood oo Dowladda Soomaaliya u jarto Persona Non-grata Nin aan dalka laga rabin. Sanadkii 2019 ayay aheyd markii dalka laga eryay Wakiilkii Hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.