Muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmay shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana goobjoog ah madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan xiisadda hareysay Villa Soomaaliya, amniga iyo dardargelinta doorashooyinka dalka.
Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaadi doonaan jaangoynta xilliga rasmiga ah ee la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha.
Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa sharraxaad looga bixiyey furitaanka shirkan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS,” ayuu lagu yiri qoraalka uu soo saaray Rooble.
Dhnaca kale rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmay ayaa ah mid aad u yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagi doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo madaxweynihii hore.
Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.