Boqor Buur Madow oo dhinacyadiisa ay taagnaayeen Gudoomiyaha Aqalka Sare,Siyaasiin iyo qaar kamid ah Salaadiinta Soomaaliland ayaa sheegay in ay qaadaceen Doorashada Soomaaliya.
Sababta ayey ku sheegeen in ay tahay faragalin uu Reysul Wasaare Rooble ku haayo Doorashada Kuraasta Soomaaliland..
Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ay hareero taagnaayeen Guddoomiyihii Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi & Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobollada Waqooyi-Somaliland ayaa sheegay in ay faraha kala baxeen Doorashada Dalka.
Buur-Madow waxa uu eedeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Xafiiskiisa ku eedeeyay in ay si gaar ah u maamulayaan Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
“Halka kan waxaa ku dhan Beelaha Somaliland kasoo jeeda, madax-dhaqameedkooda, siyaasiyiintooda, Xildhibaannadooda & Senataradooda oo uu hoggaaminayo Cabdi Xaashi, dhammaan waxa aan halkaan u nimid in aan caddeyno arrin qaadan waa ah oo nagala kulantay Ra’iisul Wasaaraha & Xafiiskiisa, Doorashadu waxa ay nagu socotay si habsami ah oo Odoyaasha waxa aan isugu tageynay Guriga Cabdi Xaashi oo aan isla hubin jirnay sida loo dooranayo Xildhibaannada” ayuu yiri Boqor Buur-Madow.
Boqor Cismaan waxa uu sheegay in muddo labo bil ah ay xal u raadinayeen wax ka qabashada tabashada ay qabaan balse markii ay waayeen ay go’aan ku gaareen in ay faraha kala baxaan Doorashada sida uu hadalka u dhigay.
“Guddiga Doorashooyinka wax talo ah kuma laha oo waxa uu kaxeystay Guddoomiyaha Guddigaas, Waxa aan cid weliba u caddeyneenaa in aan Doorashadii faraha kala baxnay oo uu maamulanayo Ra’iisul Wasaaraha, labo bil ayaa cabashadu qarsaneynay wax weliba aan xeerineynay balse wey dhici weysay waxaan doorashadi ka socon la’dahay Rooble iyo qola yar oo jufadiisa ah waxaa u ergo geesanay habargidir wax naga celiya ma arag sidaas darteed doorashada waa joojinay wixi ay soo doortaan anaga naguma matalaan doorashada Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Boqor Cismaan Buur-Madow.
Madaxda Dowlad-Goboleedyada ayuu boqor Buur-Madow kula taliyay in kulan degdeg ah arrintaan ka yeeshaan si ay usoo farageliyaan cabashadooda oo u baahan in si qoto-dheer ay u eegaan, Beesha Caalamka & Daneeyaasha Doorashada waxa uu ka dalbaday in ay dhankooda faraha lasoo galaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay sheeganayaan.