Home Afsomali Diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka billaabatay Jowhar

Diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka billaabatay Jowhar

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer  Dowlad Goboleedka ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ka bilaabay diiwaangelinta musbarrixiinta ku tartami doona laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee kala ah HOP115 iyo HOP070.

Guddiga ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyey Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga HOP115 markalena u tartami doona kursigaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa hadda wada diiwaangelinta musharrixiinta Kursiga HOP#070 kaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Aadan Cali Xasan.

Maanta ayaa la filayaa in Guddiga au soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta labada kursi, isla markaana Maalinta Berito oo Isniin ah Magaalada Jowhar lagu qabto doorashada labada kursi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.